(Hadalsame) 20 Sebt 2023 – Waxaa lasoo saaray liiska 30-ka dal ee ugu wehsida badan qaaradda Afrika oo idil, waxaana liiska meel wanaagsan uga jira dalkeenna Somalia.
30-ka dal ee qiimayntan kusoo baxay ee qaaradda Afrika waxaa kaalinta 1-aad ka galay dalka Koonfurta Suudaan, waxaana 2-aad ku jirta Eritrea, waxaa xita Jabuuti oo dhamaystiraysa 3-da kaalimood ee ugu sarreeya wehsida.
Yeelkeede, dalkeenna Somalia oo aan laftiisu dab shidaynin ayaa kaalinta 4-aad xirtey, waxaana sida la fahmi karo uu ka mid yahay dalalka ugu wehsida badan qaaradda Afrika, waloow ay jiraan dad badan oo Somalia u dhashay oo dadaala misna waxaa ka badan inta aan waxba soo saarin.
Wax soo saaris la’aantaasina waa midda Somalia ka dhigtay mid ka mid ah dalalka dunida ugu saboolsan oo ku dhowaad 85% ku tiirsan kaalmo caalami ah iyo gargaar aadminnimo.




























Hadalsame Media