”Waxaan qiimaynaynaa tillaabada xigta” – MW Turkiga oo ka caroodey warbixin kasoo baxday Midowga Yurub

0

(Ankara) 19 Sebt 2023 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa ka digey in Ankara ay gebi ahaanba ka hari karto musharraxnimada xubinnimadeeda Midowga Yurub ee mudada dheer soo socotey, isagoo ka jawaabaya warbixin kasoo baxday Brussels oo dhaleecaysay wax lagu sheegay “hoos u dhac ku yimid dhanka xuquuqda aadanaha”.

“Midowga Yurub wuxuu isku dayayaa inuu ka goosto Turkiga,” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta Sabtidii, isagoo raaciyey: “Waxaan samayn doonnaa qiimaynteenna ka dhanka ah arrintan, haddii loo baahdana, anaguna waan ka tegi karnaa Midowga Yurub.”

Horraantii toddobaadkan, Baarlamaanka Yurub wuxuu u codeeyey inuu meel mariyo warbixin uu ku dhaleecaynayo Turkiga tallaabooyinka lagu xakamaynayo “xoriyadda aasaasiga ah, xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka madaniga ah, iyo sidoo kale ficilladeeda kasoo horjeeda sharciga caalamiga ah iyo xiriirka wanaagsan ee derisnimada.”

Warbixintu waxay tusaale usoo qaadatay cadaadiskii Turkiga ee lagu eedeeyey bulshada laga roonayaasha LGBTQ, khilaafkeeda dhuleed ee Giriigga, iyo diidmadeeda inay ku cunaqabataynayso ama cambaarayso Moscow dagaalka Ukraine iyo tusaale ahaan “farqiga sii kordhaya ee u dhexeeya Turkiye iyo EU marka la eego qiyamka iyo heerarka.”

Hadalsame Media