(Beijing) 09 Sebt 2023 – Beijing ayaa lagu soo warramayaa inay ku amartay saraakiisha u shaqeeya hay’adaha dawladda dhexe inay gebi ahaanba joojiyaan isticmaalka iPhone-ka ama aaladaha kale ee shisheeye ee ay shaqada ama xafiiska keenayaan, sida uu qoray wargayska Wall Street Journal, isagoo soo xiganaya dad la socda arrintan.
Dhowr ka mid ah shaqaalaha dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in awaamiirtan ay siiyeen madaxda sare toddobaadyadii lasoo dhaafay iyada oo loo marayo aaladaha lagu sheekaysto iyo shirar gaar ah oo ka dhacay goobaha shaqada.
Xilli ay saraakiisha dowladdu ee hay’adaha qaarkood horay uga mamnuuceeny isticmaalka iPhones muddo sanado ah, amarkii ugu dambeeyey ayaa u muuqda inuu si wayn u ballaariyay hirgelinta siyaasaddaasi.
Si kastaba ha ahaatee, WSJ waxa ay xustay inaan si dhab ah loo ogayn xadka dadka la gaarsiiyey amarradan balse farriimo la mid ah ayaa sidoo kale lala socodsiiyey shaqaalaha qaar ka mid ah hay’adaha sharci dejinta ee dowladda dhexe.
Yeelkeede, labada dhinac ee Apple iyo Xafiiska Warfaafinta ee Dowladda Shiinaha midkoodna weli ma xaqiijin jiritaanka tallaabadan ama kama jawaabin codsiyada ku saabsan inay arrintan ka hadlaan, sida ay tiri WSJ.
Hadalsame Media