(Rabaad) 09 Sebt 2023 – Dadka farahabadan ee uu saameeyey dhulgariirka culus ee ka dhacay Morocco waxaa ka mid ah hablo Soomaaliyeed oo ciyaartooy ah oo halkaasi u joogay tartan Kubadda Kolayga ah oo ay ka qayb gelayeen, kuwaas oo sida ay noo sheegeen xaalad ‘naxdin’ ah ku sugan.
Hablahan oo ka tirsan kooxda lagu magacaabo Gifts Club oo ah naadi ka kooban hablo Soomaali ah oo ka kala yimi dalalka Australia, USA, Kenya iyo Soomaaliya ayaa magaalada Marrakesh ee dalka Morocco kaga qayb gelayey koobka Arab Basketball Club Champions oo sannadkan halkaas lagu qabtay.
Sucaad Cabdillaahi Galow oo ka mid ah madaxda ururka Somali Women Foundation oo iyadu hoggaaminaysay kooxdan ayaa BBC-da uga warrantay xaaladdii ay dareemeen iyo wixii ay la kulmeen markii habeenkii xalay ahaa dhulgariir culusi ku dhuftay qaybo ka mid ah dalkaas.
“Ku dhawaad 11 kii habeennimo oo xilligaas ay habluhu seexdeen ayaannu dareenay wax yar oo dhul gariir ah, marba marka ka danbaysana wuu sii kordhayay. Hotelkaan degganayn oo ah mid aad u adag haddana Ilaahay Amarkii sidii warqadda ayuu ruxmayey, oo Ilaahay uun baa na badbaadsaday,” ayay BBC da u sheegtay Sucaad.
“Marki hore wax xog ah kamaannaan hayn dhulgariirkan iyo sida looga falceliyo markuu dhaco, laakiin dhismihii waannu ka baxnay oo waddada iyo meel dhismaha iyo dhirta ka fog ayaannu tagnay oo xalay u hoyannay” ayay hadalkeeda sii raacisay Sucaad.

XIGASHADA SAWIRKA,GIFT STARS SPORTS CLUB/FACEBOOK
Hablahan ciyaartoyda ah oo ka koobnaa 8 hablood ayaa ka kala yimid dalal ka duwan, kuwaas oo badankoodu ay qurbaha ku dhasheen.
Xilliga dhulgariirku dhacay oo ahaa xilli danbe oo abbaaro 11 kii habeennimo ah ayaa iyaga u ahaa xilli hurdo.
Xaaladda dhulgariirka ayaana aad uga nixisay iyaga oo qaarkood ay galeen xaalad naxdin ah markii ay ku tooseen waxa socda, sida ay sucaad nooga warrantay.
“Hablo yaryar oo debedaha ku dhashay oo dhulgariir in ay akhriyaan mooyaane aan weligood maqlin, oo arag, oo hurda, maalinka xigtana isu diyaarinayey tababar iyo ciyaar ay lahayeen makhribka, waad qiyaasi kartaa sida ay u naxeen” ayay tidhi Sucaad oo ka warramaysay sida uu ahaa dareenka hablaha yaryar markii dhulgariirku dhacayay.
Waxaanu isku daynay inaan la hadalno qaar kamid ah gabdhaha, balse ma aysan awoodin badnkood inay nala hadlaan maadama ay xaalad daal iyo naxdin ah ku jireen sida ay noo sheegeen.
Hani Cali oo ka timid iyadu magaalada Muqdisho kana tirsan hablaha Gift Stars oo ahayd ciyaartooyadda keliya ee nala hadashay ayaa sheegtay in wixii ay xalay aragtay uu ahaa ‘wax fajaciso ah’.
‘Wax laga naxo oo aad u xun ayaan xalay aragnay, alxamdulilaah se hadda waan nabad qabnaa oo Ilaahii naga ammaansaday ayaa mahadsan’ ayay BBC u sheegtay Hani.
Dhulgariirkan ku dhuftay dalkaas ayaa cabbirkiisu ahaa 6.8, waxaana ku dhintay ugu in kabadan 820 qof illaa hadda inta la xaqiihiyey, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi.
Meesha xudunta u ah ayaa ah aagga buuraha Atlas ee sare, oo 71km (44 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Marrakesh, sida ay sheegtay hay’adda sahminta dhulka ee Maraykanka.
Maxay yeeli doonaan kooxdaan Soomaalid ah?

XIGASHADA SAWIRKA,GIFT STARS SPORTS CLUB/FACEBOOK
Sucaad Galaw, oo horkacaysay kooxdan ayaa noo sheegtay in ay hadda qorshaynayaan sidii ay ugu bixi lahaayeen dalka, isla mar ahaantaana ay wejahayaan caqabad dhanka diyaaradaha maadaama badi diyaaradihii buuxaan, ayna ku qasban yihiin in ay aadaan magaalada Casablanca si ay halkaas uga raadiyaan in ay ka helaan safarro u socdo dalalkii ay ka kala yimaaddeen si ay u baxaan.
“Hadda waxaannu ku jirnaa hotel kii aan degganayn oo laga wada guuray oo aannu annagu ku hadhnay maadaama dadkii kale ay dalalkoodii diyaarado u soo direen, annaguna waxannu qorshaynaynaa in aannu safar gaadhi ku tagno Casablanca oo halkaa ka sii baxno” ayay tiri Sucaad.
Safaaradda Soomaaliya ee Morocco oo fadhigeedu yahay magaalada Rabat ayay noo sheegeen in xidhiidh fiican ka dhexeeyo oo ay iyadu siisay talada bixitaankooda kalana shaqaynayso sidii ay si nabad uga bixi lahaayeen dalkan.
Ciyaaraha ay ciyaareen hablahan ayaa ahaa laba kulan halka ay u hadhsanaayeen afar kulan oo kale.
Koobkan oo ah kubbadda kolayga ayay ka soo qayb galan naadiyo kala duwan oo ka kala yimaadda dalalka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya ku jirto.
BBC
Hadalsame Media