Maamulka cusub ee AC Milan oo durba ku guulaysatey inay xalliyaan 3 arrimood oo muhim ah

0

(Milano) 09 Sebt 2023 – Milannews.it ayaa waraysi ka qaaday Franco Ordine, oo ah saxafi ka tirsan Il Giornale, kaasoo sheegay inuu la yaabay suuqa AC Milan ee xagaagan. “Waa inaan daacad ka noqonaa: qofna ma filayn in Milan ay sidan usoo adeeganayso,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay inay kooxda maamulka cusubi ka qabteen 3 arrimood kaddib markii kooxda laga diray Paolo Maldini iyo Ricky Masara oo ay maamulka arrimo badan isku mowqif ka noqon kari waayeen.

”Fikradayda waxay qabteen shaqo aad u fiican sababtoo ah waxay higsanayeen oo ay gaareen saddex natiijo oo waawayn: Tan ugu horreeysa, oo ah tan ugu wayn, waa in la siiyey Pioli ciyaartooyda aasaasi markiiba u noqday kooxda.

Natiijadii labaad ee la gaarey waxay ahayd in ciyaartooy muhim ah lagula soo wareegey qiimo fiican iyadoon la kordhin biilkii mushaharka kooxda.

Qodobka seddexaad, ugu dambayntii, ciyaartooyda ayaa markii la dooranayey waxaa la eegay inay yihiin qaar ku habboon codsiyada Pioli islamarkaana ku habboon kubbad leh caaboonaan iyo xoog badan oo jireed.

Hadalsame Media