(Berlin) 22 Agoosto 2023 – Inta badan dadka Jarmanku way kasoo horjeedaan fikradda ah in Kiev la siiyo gantaallaha riddada dheer, kuwaas oo laga yaabo in loo isticmaalo in lagu duqeeyo gudaha Ruushka, sida ku cad ra’yi ururin ay samaysay ARD-DeutschlandTrend oo la sii daayey.
52% ka mid ah jawaab bixiyayaasha ayaa si adag uga soo horjeestey in gantaalahan la siiyo Kiev, halka 36% oo kaliya ay taageereen, 12% kalena aysan fikrad ka haysan arrintan, sida sahanku uu tilmaamayo.
Gantaalkan kuruuska ah ee Iswidhish-Jarmanka ah ee Taurus KEPD 350 waa gantaal ay dalalkani ku faanaan oo jaraya masaafo dhan 500km waxayna xanbaarsan yihiin madaxyo culus oo dhan 500kg, taasoo ka dhigaysa mid awood badan ku kordhinaya hubka Ukraine hadii la siin lahaa.
Jarmanka ayaase wuxuu u muuqdaa inuu si qoto dheer ugu kala qaybsan yahay mowqifkiisa ku aaddan dagaalka Ukraine, labadaba juqraafi ahaan iyo siyaasad ahaan, ra’yi ururintuna waxay soo jeedinaysaa in 70% dadka kasoo jeeda bariga Jarmanku ayaa si adag uga soo horjeedaan in Ukraine la siiyo gantaalaha Taurus, halka 47% kaliya ay Galbeedka Jarmanku ay diiddan yihiin in hubkaa la siiyo Ukraine.
Marka la eego xisbiga, ilaa 68% taageerayaasha xisbiga Green Party ayaa taageeray in la dalkaa la siiyo gantaalahan, halka 56% codbixiyayaasha xisbiga Free Democratic Party ay taageersan yihiin isla tillaabadan.
Kuwa la safan xisbiga garabka midig ee Alternative for Germany (AfD), ayaa dhanka kale si wayn u diiddan fikraddan, iyagoo 76% ka mid ihi ay aad uga soo horjeedaan in gantaalkan lagu hubeeyo Kiev.
Hadalsame Media