(Muqdisho) 20 Agoosto 2023 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa goor dhowayd ka hadlay dibedbaxyo rabshado watey oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaale ayaa hoosta ka xarriiqay in Dastuurku u ogol yahay muwaadinka inuu dibedbax nabdoon sameeyo, balse aan la ogolayn wixii rabshad iyo burburin ah.
Wuxuu soo jeediyey inaan la beegsanin hantida guud iyo midda gaarka ah, isagoo sidoo kale farta ku fiiqay inay dadka ka wada dhaxayso.
“Jidadkii lagu dhisay halka Doollar ee dadwaynaha laga qaaday ma aha in la burburiyo.” Ayuu yiri Madaale oo sheegay in ninka loo bannaanbaxayo uu ku jiro gacanta DF oo uu sharciga marayo.
Hadalsame Media