(Göteborg) 08 Agoosto 2023 – Duufaanta lagu magacaabo Hans ayaa si adag u ruxday meelo u badan qaybaha galbeed ee dalka Sweden galabnimadii Talaadada.
Magaalada Göteborg ayaa xirtay cabbitaanka biyaha ee webiga Göta, sababtoo ah tubooyinka halkaa biyaha ka qaada ayaan xamili karin tirada badan ee biyaha roobka, iyagoo uu hal mitir kor u kacay webiga Götaälv.
Daadadkan ayaa sidoo kale sababay hakad wayn oo ku yimid isu socodka gaadiidka dadwaynaha ee xeebaha galbeedka Sweden, iyadoo tareennada qaar la joojiyey, waddooyinkana la xiray. Gaar ahaan gaadiidka isku xira Göteborg iyo magaalooyinka u dhow dhow, sida Barås iyo Kungälv IWM.
Dhanka kale, tareen ay leedahay shirkadda SJ oo isku xirayey magaalooyinka Stockholm iyo Sundsvall ayaa jidka ka baxay isagoo maraya afaafka Hudiksvall, isagoo sidey ilaa 100 qofood.
10 qofood ugu yaraan ayaa isbitaallada la dhigay, halka ay dadku ku khasbanaadeen inay dhex maraan biyo nus mitir ah oo uu tareenku la dhexgalay.
KORONTADA OO RAKHIISTAY – Dhanka kale, duufaanta Hans ayaa keentay inuu hoos u dhaco sicirka korontadu gaar ahaan aagga koronto ee koonfurta Sweden, maadaama ay Sweden in badan korontada kasoo saarto dabaysa iyo biyaha, waloow aysan saamayn badan taasi ku yeelan doonin dadka durba kusii jirey qandaraasyada.
Hadalsame Media