(Muqdisho) 08 Agoosto 2023 – Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey oo ka mid ah Golaha Shacabka, gaar ahaan Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka ee Baarlamanka ayaa kashifay heshiiska lala galay shirkadda dhistay hotel Decale oo ku dhex yaalla garoonka, isaga oo soo bandhigay khaladaad heshiiskaa ku jira.
Xildhibaanka oo su’aal weydiinayay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskan uu soconayo 25 sano, lagu khiyaamay Dowladda oo rubuc qarnigaa qaadanaysa 12% oo qura, isaga oo su’aal ka keenay sababta ilaa iyo hada uu KMG u yahay.
Yeelkeede, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal, ayaa waloow qirtay inay run tahay in DF Somalia ay 12% ku leedahay saamiga hoteelka, taasoo la yaab leh, balse waxay sheegtay inay heshiiskaa gashay Xukuumaddii Farmaajo, waxaysanna sidoo kale ballanqaadin in dib loo eegi doono heshiiska, waloow ay qirtay in sidaa la samayn karo.
Wasiiraddu waxaa kale oo ay ku af gobaadsatay inaysan garanayn sababta DF Somalia loogu ogolaaday 12% oo qura waloow ay xilka haysey sanad ka badan oo ay ogaan kartey sababta haddii ay doonayso.
”Waxaa heshiiska dheef-wadaagga ah ku cad inay DF heleyso 12% oo qura iyo wixii canshuur ah.” ayay tiri Wasiiradda oo isku dayaysa inay canshuurta ka dhigto sidii saami oo kale.
Heshiisyada Garoonka & Dekedda ayaa laftoodu sidaa oo kale ah, waxaana heshiiskan DECALE ka muuqanaya in xukuumaddii hore aysan runtii danaha shacabka ee ay mas’uulka ka ahayd u ilaalin si waafaqsan wadaniyaddii iyo qabkii aadka ugu jirey fan-hadalkeeda.
Hadalsame Media