Faransiiska oo si cad u sheegay inuusan ka baxay Niger (Cidda uu heshiiska la galay & Tirada ciidanka ka jooga?)

0

(Niamey) 05 Agoosto 2023 – Faransiiska ayaa sheegay inuu ku taagan yahay shan heshiis oo iskaashi milletari ah oo uu la galay Niger, sababtoo ah heshiisyada waxaa uu la saxiixday ‘mas’uuliyiinta sharci-dejinta ama Baarlamanka dalkan Galbeedka Afrika, inkastoo maamulka cusub ee ciidamadu uu ku baaqayay in heshiisyadaa la burburiyo.

“Faransiisku waxay xasuusanayaan in qaab-dhismeedka sharci ah ee iskaashiga aan la leenahay Niger ee dhinaca difaacu uu ku salaysan yahay heshiisyo lala galay mas’uuliyiinta Niger ee sharci-dejinta,” ayaa lagu yiri bayaan Jimcahan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska.

“Kuwaasi waa heshiisyada kaliya ee Faransiiska, iyo dhammaan beesha caalamku ay aqoonsan yihiin.” Ayay raaciyeen.

Hadalkan ayaa daba socda bayaan Khamiistii kasoo baxay Amadou Abdramane, oo ah afhayeenka afgembiga millateri ee xukunka ka tuuray Madaxwaynihii sida dimoqraadiga ah loosoo doortay ee Niger, Mohammad Bazoum, usbuucii hore, oo sheegay in millaterigu uu si gooni ah u fasaqayo heshiisyadii millateri ee ay la galeen gumaysigii hore.

Abdourahamane Tchiani, oo hore u ahaan jirey taliyaha ilaalada Madaxtooyada Niger, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay madaxa dowladda ku meel gaarka ah laba maalmood kaddib markii ay ciidamadiisu ay afgembiyeen maamulkii Bazoum.

Joojinta heshiisyadan millateri waxay uga baahan tahay Faransiiska inuu dalkaa ka saaro 1,000 ilaa 1,500 askari oo uu ku sugan waddankan Afrikada dhexe.

Tiro yar oo askar Maraykan ah ayaa sidoo kale hore loo geeyey Niger, oo leh dhul loo arko mid juquraafi ahaan muhiim u ah xudduudaha uu la leeyahay toddobo waddan, oo ay ku jiraan Liibiya, Chad iyo Nigeria darteed.

Hadalsame Media