(Roma) 03 Agoosto 2023 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga, Antonio Tajani, ayaa ka digey in millateriga reer Galbeedku ay weeraraan Niger, oo hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada millateriga ah ee ka taliya dalkaasi kaddib afgembigii todobaadkii hore.
“Waxaan u malaynayaa inay tahay inaan cadaadis saarno si dimoqraadiyadda dib loogu soo celiyo, laakiin hindise kasta oo millateri oo reer Galbeedka ka yimaada waa in meesha laga saaro sababtoo ah waxaa loo arki doonaa gumaysi cusub,” ayuu ku dooday Tajani oo la hadlay Rai News..
Hadalka wasiirka ayaa yimid kaddib markii ciidamada millateriga ee dalkaa qabsaday ay Faransiiska ku eedeeyeen inuu qorsheynayo “faragelin millateri” si loosii daayo Madaxwaynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum, kaas oo xirnaa tan iyo 26-kii Luulyo.
Paris ayaa sheegtay in Bazoum, oo si dimoqraadi ah loosoo doortay 2021-kii ay u aqoonsan tahay oo kaliya awoodda sharciga ah ee Niamey, balse waxay beenisay eedaymaha ah inay duqayn qorshaynayaan si loosoo furto hoggaankii hore.
Isniintii, madaxa diblomaasiyadda Faransiiska, Catherine Colonna, ayaa warbaahinta u sheegtay in sheegashadaasi ay tahay mid been abuur ah.
Horay ayay RW Talyaaniga ee Gergia Meloni waxay si furan Faransiiska ugu eedaysay inay dhiig-miirasho ka wadaan Afrika gaar ahaan dalka Niger.
Hadalsame Media