(Hadalsame) 01 Agoosto 2023 – Nasra Abuukar Cali waa Gabdhihi dalkeena ku matashay tartanka Jaamacdaha adduunka kaasoo ka qabsoomay dalka Shiinaha.
Gabadhaan ayaa qabsatay baraha bulshada, waxaana bulshada ay si weyn ugu falceliyeen qaabkii ay oroday, waxaana dadka ay Inta badan ku eedeynayeen in ay aheyn Gabar Xitaa u tababaran ciyaaraha Fudud.
Hadaba Gabadhaan miyey Koox u diiwaan gashan tahay l?
Ma jirto Koox ay u diiwaan gashantahay Nasro, waxaana Dalka ka dhisan kooxo badan oo u diiwaan gashan xiriirka ciyaaraha fudud Soomaaliya.
Sidee ayey ugu suura gashay in dalkeena ay matasho?
Nasro waxaa habayar rasmi u ah Gudoomiyaha xiriirka ciyaaraha Fudud Khadiijo Aadan Daahir, waxaana dhashay walaasheed Deeqo Aadan Daahir.
Hadaba xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Nasro ay Shiinaha kasoo qaadaneyso waaya aragnimo si Soomaaliya ay ugu matasho ciyaaraha Olombikada adduunka oo 2024 ka dhici doono Dalka Faransa.
Maxaa horay u dhacay oo aadan ogayn?
Sanadkii hore 2022 tartanka jaamacada ha aduunka waxaa lagu marti galiyay Dalka Talyaaniga, waxaana Soomaaliya u matashay Dahabo oo ah gabar ay eedo u tahay guddoomiyaha xiriirka Ciyaaraha Fudud Khadiijo Aadan Daahir.
Hadda Dahabo waxa ay ku sugan tahay Dalka Faransa oo ay goosatay kaddib Markii ay ka qeyb gashay tartankii ka dhacay Talyaaniga.
W; D: Mahad Shariif Jilacow, oo wax ka qora ciyaaraha dalka
Hadalsame Media