(Stockholm) 01 Agoosto 2023 – Muhaajiriin Ciraaqi ah ayaa magaalada Stockholm ku gubay Qur’aanka kariimka ah Isniintii shalay, iyagoo laaday kuna tuntay kitaabka Muslimiinta kahor inta aysan dab qabadsiin bogag jeexjeexan bannaanka dhismaha Baarlamanka Sweden, sida ay sheegtay AFP.
“Waan sii wadi doonaa gubidda ilaa ay ka mamnuucaan buuggan,” ayuu yiri Salwan Momika, oo ah qaxooti Masiixi ah oo magangalyo siyaasadeed Sweden ka codsaday 2018-kii, oo la hadlay idaacada Sweden ee SVT.
Waa gubiddii saddexaad ee Qur’aanka kariimka ah oo ay fuliyaan Momika iyo jaalkiisa Salwan Najem, oo labadooduba ay hadda ku socdaan baaris ku saabsan hadallo nacayb ah oo ay ka sheegeen masuuliyiinta Sweden.
Waxay hore Qur’aanka kariimka ah u gubeen xilligii ciida muslimiinta afaafka masaajidka wayn ee Stockholm. Momika ayaa sidoo kale ku tuntay Qur’aanka kariimka ah isagoo kabihiisa ku masaxay calanka Ciraaq afaafka hore ee Safaarada Ciraaq ee Stockholm horraantii bishii hore.
Halka Najem uu qaatay dhalashada Sweden sanadkii 2005-kii, todobo sano kaddib markii uu dalka yimid, Momika ayaa la sheegay inuu haysto sharciga degenaanshaha ee saddexda sano kaasoo ay halisi ugu jirto in lagala noqdo.
Mas’uuliyiinta Sweden oo bilaabay inay baaraan waxyaabo uu dhigay baraha bulshada kaddib markii la gubay Qur’aanka kariimka ayaa ogaadey inuu door hoggaamineed ka qaatay koox malliishiyo masiixiyiin ah oo la sheegay inay xulafo la yihiin Iran – inkastoo maliishiyadani ay la dagaallameen argagixisada Daacish (ee horay u ahaan jirtay ISIS/ISIL).
Hadalsame Media