(Hargaysa) 23 Luulyo 2023 – Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, ayaa ku guulaystey doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland
46 Xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Hoose ayaa u codeeyey Faratoon halka xildhibaan Maxamed Khadar uu kasbaday 35 cod.
Faratoon ayaa ku fariisanaya kursigan oo uu horay ugu dangiigey Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland kaasoo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi 11-kii bishii tagtay ee Juun.
Labada nin ayaa kasoo jeeda Laascaanood oo tan iyo horraantii sanadkan dagaal lagu hoobtay kula jirey nidaamka Somaliland oo ah maamul sheegta inuu ka go’ay dalka Somalia.
Hadalsame Media