(Muqdisho) 18 Luulyo 2023 – La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxeynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dawladda ay heleen hub culus oo ay u adeegsan doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Xuseen Sheekh Cali ayaa u sheegay VOA in hubkaasi ay ka mid yihiin diyaaradaha qumaatiga u ah, hoobiyeyaal iyo hubka lidka diyaaradaha loona adeegsado dagaallada Soomaaliya ee Su-23. Waxaa kale oo la siinayaa daroonnada
“Dowladda Soomaaliya cuna qabateyntii hubka ee saarneyd sanad ka hor ayaa laga qafiifiyay, sidaas ayay dowladda bilihii lasoo dhaafay hubabka ku jiray kuwa xaaraanta ahaa ama lagu adkeyn jiray inay soo hesho Soomaaliya ay saaxiibo soo siiyaan qaarna ay soo gadatay, Waxa sido kale jira Helicopter hub saaran yahay oo loogu tala galay inta badan in dhaawaca lagu daabulo oo ciidanka Soomaaliya ay maanta leeyihiin, hubka waa weyn ee hoobiyeyaasha ee 120-ka oo ku jiray hubka ka xaaraanta ah dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali.
Dhinaca kale waxa uu Xuseen Sheekh Cali sheegay in dhammaadka sannadkan dalka Maraykanka lagu qaban doono shir dhaqaale loogu ururinayo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliy,a si ay dawladda Soomaaliya awood ugu hesho inay ku filnaato ciidankeeda wixii ka danbeeya 2027.
Warar ka baxsan kuwa VOA ayaa sheegaya in diyaaradaha la sheegayo ay yihiin diyaaradda ciidanka qaadda sidoo kalena weerarka ah ee qumaatiga u kaca sida Bell UH-1 Iroquois oo ku magac dheer Huey taasoo Ciidamada Somalia siin doona taageero dhanka cirka ah iyo sahayda waxaana ku deeqaya dalka Imaaraadka, balse magacyadooda ma sheegin La-taliyaha MW Somalia.
Wuxuu xusay inay iyagu sooba iibsadeen qaarna loogu deeqay, balse ay iyagu adeegsan doonaan taasoo uu ku sheegay awood cusub oo ay yeelan doonaan Ciidamada Xoogga Dalku. Wuxuu sababta ku sheegay in ujeedku yahay inay ciidanku si buuxda ula wareegaan ammaanka dalka.
Xuseen Sheekh Cali ayaa sidoo kale VOA u sheegay in dhamaadka sannadkan bisha Diseembar uu shirkaasi ka qabsoomi doono Maraykanka, si dhaqaale loogu aruuriyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya sidii ay dowladda Soomaaliya awood ugu hesho inay ku filnaato ciidankeeda wixii ka danbeeya 2027-ka.
“Waxaa hadda rabnaa oo ku qancinay dowladdo saaxiibbo ah in shir bisha December la iskugu imaado Mareykanka, si lacag loogu aruuriyo ciidamada Soomaaliya, oo u hoggaansanaanaya Dastuurka dalka, kana daboolo kharashaadka muhiimka ah sida dhismaha iyo ciidanka qeybahooda kala duwan,” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali.
Waxaa ciidamada Somalia shirkan ku caawinaya 6 dal oo kala ah; Maraykanka, Turkiga, UK, Qadar, Imaaraadka, Sucuudiga iyo Midowga Yurub.
Waxa uu intaas sii raaciyay “In adduunka halmar uu gacan ka geysto dhismaha ciidan tayo leh, si ay dowladda Soomaaliya 2027-ka si dhameystiran ciidamadeeda amniga iyadu mushaarkeeda iyo qalabkeeda u awoodi karto.”
Waxa uu Khadka telefoonka ee Muqdisho ugu warramay Haaruun Macruuf. Ugu horrayn waxa uu ka jawaabayaa halka ay marayaan hawlgallada milatari?
Hadalsame Media