(Muqdisho) 12 Luulyo 2023 – Somalia oo ah dal beeraleey ah balse aan weli meeshii la doonayey ka gaarin suurtagalnimada awooddeeda ayaa liis yaab leh kaalinta 1-aad ka gashay.
Somalia ayaa wadamada Afrika ee soo dhoofsada yaanyada noqotay dalka ugu horreeya, iyadoo sanadkii soo dhoofsata 18,527 Mitrik Tan oo yaanyo oo qura ah.
Waxaa ku xiga dalka Libyaookaalinta 2-aad galay, iyagoo sanadkii soo degsada 12,887 Mitrik Tan, waxaana sedexaad ku jira dalka Mozambique oo soo waaridda sanadkii 12,768 Mitrik Tan.
- Somalia ~ 18,527 MTs
2. Libya ~ 12,887 MTs
3. Mozambique ~ 12,768 MTs
4. Djibouti ~ 9,546 MTs
5. Kenya ~ 6,653
6. Côte d’Ivore ~ 6,644
Somalia ayaa sidoo kale sanadahan dambe xitaa hilib soo dhoofsata, halka caano iyaga warkoodaba laga baxay.
Haddiiba aan yaanyo soo dhoofsanayno, maxaa kaloo noo haray?
Waxaa Diyaariyey: Ibraahim Aadan & Max’ed Xaaji
Hadalsame Media