Halka togan, halka taban & Tan uu tusmaynayo shirka ay iskugu tageen madaxdii dalka ka talin jirtey

0

(Muqdisho) 12 Luulyo 2023 – 2 Madaxwayne, 5 Ra’isulWasaare, 3 Gudoomiye Baarlamaan oo xilalka isku wareejiyey 15 kii sano ee ugu dambaysey ayaa Muqdisho shir uga furmay maanta. Waxaa ka maqan rag uu ka mid yahay MW hore ee Farmaajo.

Dadku waxay kulankan oo aanu noociisu horay u dhici jirey ka bixinayaan faallooyin kala duwan.

Villa Somalia oo faallo kooban ka bixinaysa waxa uu shirkani ku fooggan yahay waxay warka ku gaabsatay sidatan:

“Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shir wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo lagu gorfaynayo xaaladda dalka, amniga, ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka, dimoqoraadiyeynta iyo doorashooyinka.”

Waxaase hubaal ah in kulankani kusoo beegmay xilli ay xaajada dalku geesaha is gelisey oo ay wax badani dalkii ka wareersan yihiin hoggaanka Federaalkana faro badani ku fiiqan yihiin.

Yeelkeede, waxaan doonayaa inaan farta ku godo 3 arrimood intaan dabuubtu ila daadin.

1 – Shirkani wuxuu muujinayaa in MW Xasan Sheekh uu weli xiriir wanaagsan la leeyahay qaar badan oo ka tirsan madaxdii hore.

2 – Dhanka TOGAN – Shirkani wuxuu noqon karaa mid wanaagsan haddii intaas oo siyaasi inta la isu keeno si wax ku ool ah looga guro wixii talo fiican garaadkooda ku guntan ee wax lagu hagaajin karo.

3 – Dhanka TABAN – Waxaa muhim ah in la ogaado in qodobbada ay sheegtay Madaxtooyadu sida amniga, doorashooyinka iyo Dastuurku ay iskugu jiraan qaar masiiri ah iyo qaar maamul.

Ha yeeshee, madaxdii hore talo unbay ku leeyihiine waxba kama bedeli karaan, sidaa darteed, inta iyaga lala shiro lama dhihi karo waxaan fulinaynaa talada madaxdii hore maadaama aysan iyagu sharciyad maamul haatan dalka ku lahaynna loo baahan yahay in Baarlamanka la geeyo kaddibna afti loo diro xilligii ku habboon.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media