”Haddii aan qori haysan lahaa Soomaali badan maydkooda waa la arki lahaa” – Wasiirka Maaliyadda Finland oo fadeexad dhex taagan

0

(Helsinki) 12 Luulyo 2023 – Wasiirka maaliyadda ee Finland, Riikka Purra, ayaa waxaa soo shaac baxay qoraallo cunsurinimo ah oo ay 15 sano kahor ku qortay meel blog ah, arrinkaas oo iminka fadeexad siyaasadeed ka dhalisay Finland.

Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka, Purra waxay raalligelin ka bixisay “faallooyinkan nacasnimada ah” ee ay tiri, waxayna qortay in aysan ahayn “qof qumman” oo ay samaysay khaladaad.

Purra waa Gudoomiyaha Xisbiga midigta ah ee ”Finish-ka Saxda ah” ama Sannfinländarna, waxaana la sheegay inay ku qortay qoraalladan magaca “riikka”.

Mid ka mid ah faallooyinka, ayay ku qortay inay jiri lahaayeen maydad ka buuxa tareennada gobolka caasimadda Helsinki haddii ay hub haysan lahayd – taasoo ay tiri kaddib markii ay aragtay dhallinyaro Soomaali ah oo saaran tareenka maxaliga ah, sida ay sheegtay HBL.

Siyaasiyiinta Finnish-ka ayaa si adag uga fal-celiyay shaac baxan. Waxyaalaha uu Xitaa Madaxwaynaha Finland ee Sauli Niinistö ayaa ka dalbaday dowladda inaysan wax dulqaad ah u yeelan cunsuriyadda.

Hadalsame Media