(Muqdisho) 09 Luulyo 2023 – Wasiirkii hore ee Maaliyadda DF Somalia, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo xilkii laga qaaday kaddib isku shaandhayntii uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay inuu aqbalay xilka qaadista lagu sameeyey, isagoo soo dhoweeyey Wasiirka bedeley ee Biixi Iimaan Cige.
Dr Cilmi ayaa sidoo kale qoraalkiisa xusayay waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu joogay xafiiska, sida barnaamijka dib-u-habaynta maaliyadda, iyo sidoo kale inuu bixiyey dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda Federaalka ah intii uu joogey, taasoo loo fasirinayo inuu kasii digayo in haddii hadda kaddib uu mushaarku go’o aanu isagu shaqo ku lahayn.
Wuxuu qoraalkiisu u dhignaa sidatan:
Waxa ay ii ahayd Sharaf iyo mudnaan gaar ah in aan noqdo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxa aan ku faraxsanahay in aan hormuud u ahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda si aan u gaarno gunaanadka deyn cafinta Soomaaliya, tanina si wanaagsan ayay u socotaa.
Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.
Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan isku dayay in aan ilaaliyo nidaamka hey’adeed ee Wasaaradda Maaliyada si ay hufnaan uga soo baxdo waajibaadka loo igmaday, si aan si wax ku ool ah ugu adeegno dadkeena.
Waxa aan rajeynayaa in dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd in kasta oo culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda Maaliyadda.
Waxa aan Wasiir Biixi Iimaan Cige u rajaynayaa in uu xilka cusub ee loo igmaday Alle u fududeeyo. Waxaan sii wadi doonaa in aan ka midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qarankeena intii awooddeyda ah.
Hadalsame Media