(Hadalsame) 07 Luulyo 2023 – Farriin Furan oo ku socota dhammaan Ganacsatada Soomaaliyeed :
Waxaan halkaan uga diraynaa sheekh Axmed jimcaale & Ganacsatada Kale ee Soomaaliyeed fariin codsi ah oo ku saabsan inay Maalgishtaan Caafimaad oo ka dhisaan wadanka isbitaalo Casri ah si looga maarmo caafimaadka loo aado dalka dibadiisa.
Waa ku mahadsan yahay Sheekh Axmed Jimcaale in uu ka qaybqaatay horamarinta dhaqaalaha Soomaaliyeed isaga oo asaasay shirkado isgaarsiin xawaalado & bangiyo Maaliyeed.
Soomaalidu waayahan dambe waxay aad u aadan wadanka Hindiya oo ka heleen Caafimaad sare oo ku dhisan aqoon & qalab casri ah, saas ay tahay waxaa uga baxa kharash aad u badan .
Qayb kamjd ah Soomaalida Hindiya joogta waxay la kulmaan caqabado badan oo kamid ah inay jiraan dulaalo u dhaxeeya Soomalida & Bukaanka Soomaaliyeed iyagoo ka hela Lacago badan.
Ganacsatada Soomaaliyeed waxay ku mashquulsanyihiin ganacsiga Bariis & Bur , waa Inay maalgishtaan caafimaadka .
Faa’iidooyinka ay ka helayaan Ganacsatadu Maalgashiga caafimaadka :
1/ Ajar ayaa laga helayaa
2/ dheef ayaa laga soo saari karaa
3/ waa qeyb kamid ah horamarinta caafimaadka
4/ waxaa looga maarmayaa caafimaadkii loo aadi jiray Dibada .
5/ waxay kor u qaadi kartaa sumcadda Soomaaliya haddii wadamo kale looga soo aado.
Qalinkii:- Ciise Maxamed Cali
FG: Maalgashiga waxyaabaha daruuriga ah sida caafimaadku waxay u baahan yihiin inaan bulshada lagu dhiig miiran oo ay adeegga ku hesho sicir tabarteeda ka tarjumaya.
Hadalsame Media