Maraykanka oo diidey in Ingiriisku noqdo madaxa NATO (Cuqdad u dhaxaysa Irish-ka & Ingiriiska oo qayb ka ah)

0

(Hadalsame) 07 Luulyo 2023 – Maraykanka ayaa diidey inuu taageero in Xoghayaha Difaaca UK ee Ben Wallace uu noqdo Xoghayaha Guud ee xiga ee NATO iyo qorshayaashiisa hamiga wayn ee uu taageerada millateri ee ka badan ku siinayo Ukraine dagaalka ay kula jiraan Ruushka, sida uu qoray Daily Telegraph, isagoo soo xiganaya ilo hoose.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay, Wallace, oo ah nin aad ugasoo horjeeda Ruushka, islamarkaana hormuud ka ahaa dadaallada lagu doonayo in Kiev lagu hubeeyo taangiyo culculus iyo gantaalaha riddada dheer, ayaa si wayn loogu tixgalinayey inuu yahay qofka ugu horreeya ee xilka kala wareegaya Taliyaha NATO ee haatan, Jens Stoltenberg.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtey Telegraph, Washington waxay “naxday” markii Britain, oo ay weheliso Netherlands, ay ku heshiiyeen bishii hore inay sameeyaan ‘isbahaysi caalami ah’ si ay Kiev uga caawiyaan soo iibsiga F-16-ka Maraykanka iyo tababaridda duuliyayaasha Ukraine si ay u duuliyaan diyaaradahan jiilka 4aad , tiiyoon la waydiisan ogolaanshaha Washington marka hore.

Ilaha Telegraph ayaa sheegay in tillaabadani ay “soo afjartay rajo kasta oo hadhay” oo ahayd in Maraykanku uu taageerayo musharaxnimada Wallace.

Dhowr maalmood kaddib ku dhawaaqista wadajirka ah, Maraykanku wuxuu ogolaaday inuu u fasaxo xulafadiisa reer Galbeedku inay siiyaan Ukraine diyaaradaha F-16 ee ay Kiev codsatay bilo kahor iyo sidoo kale inay ka qaybqaadan doonto dadaalka tababarka. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha reer Galbeedka ayaa sheegay in Ukraine aysan rajo ka qabin inay hesho diyaaradahan waqti dhow.

Sida laga soo xigtay warbixin hore oo Daily Mail lagu qoray, Biden, oo asalkiisu Irish yahay, ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu diidey musharaxnimada Wallace maadaama Wasiirku ka mid ahaa ciidamada Ingiriiska intii lagu jirey xilligii rabshadaha kooxeed ee Woqooyiga Ireland intii u dhaxaysey 1960-yadii iyo dabayaaqadii 1990-kii.

Warbixin kale oo Daily Telegraph ayaa sidoo kale soo jeedisey in dalabka Wallace ay xannibeen hoggaamiyeyaal badan oo Yurub ah kuwaasoo riixaya qorshe ah in madaxa xiga ee NATO inuu ka yimaado waddan EU ah.

Hadalsame Media