AC Milan oo qarka u saaran laacibkii 3-aad oo khad dhexe ah & Imaanshaha Pulisic oo dib u dhacay + Sababta

0

(London) 07 Luulyo 2023 – AC Milan ayaa kaddib markii ay soo heshay Christian Pulisic oo ah laacibkii 2-aad oo khad dhexe ah, waxa ay markan qarka u saaran tahay laacibka kale ee khadka dhexe ee AZ Alkmaar ee Tijjani Reijnders.

Laacibkan khadka dhexe ayaa dhashay 1998-kii, waxaana lagu wadaa in heshiiskiisa laso afjaro saacadaha iyo maalmaha yar ee soo aaddan, iyadoo uu qorshuhu yahay inuu Milano yimaado ugu dambayn bilowga toddobaadka soo socda (laga bilaabo 9 Luulyo).

Dhanka kale, laacibka Christian Pulisic ayaa heshiiskiisa la dhamaystiray isagoo ku biiraya AC Milan oo ku qaadatay lacag ka badan ​​20 milyan oo Yuuro oo lagu daray gunnooyin.

Yeelkeede, imaatinka laacibkan Maraykanka ah ee Talyaaniga ayaan dhici doonin kahor usbuuca soo socda. Sababtuna waa in la dhamaynayo howlo yar yar oo dhanka buruqraadiyada ah.

AC Milan ayaa doonaysa inay 3-dan laacib oo marka la isu geeyo ku kacaya wax ka yar 70milyan oo euro inay uga maaranto taangigii khadka dhexe ee Sandro Tonali oo Newcastle United kula biiray 80 milyan oo euro.

Hadalsame Media