Midowga Yurub oo mowqif cajiib ah ka qaatay kitaab Qur’aankii Sweden lagu gubey

0

(Brussells) 01 Luulyo 2023 – Midowga Yurub ayaa dhaleeceeyey gubitaanka Qur’aanka kariimka ah ee dhowaan lagu gubay dalka Sweden, waxayna ku tilmaameen mid gef ah, misna “ixtiraam darro” iyo “ficil daandaansi ah.

“Caddaysi midab-takoor, nacayb ajnabi iyo dulqaad la’aanta la xiriirta meelna kuma laha Yurub,” ayay tiri Nabila Massrali, Afhayeenka Midowga Yurub ee arrimaha dibedda iyo siyaasadda ammaanka, oo sidaa ku sheegtay bayaan goor dhow.

“Midowga Yurub wuxuu ku biirayaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sweden ee diidmada xooggan kala hor timid qofkii Qur’aanka ku gubey Sweden, falkani sinnaba ugama turjumayo fikradaha Midowga Yurub.” ayay raacisay.

Waxay intaas ku dartay, “Waxaaba wax aad looga xumaado ah in falkan oo kale uu dhacay xilli ay Muslimiintu u dabbaaldegayeen munaasabadda muhimka ah ee Ciidul-Adxaa.”

Arrintan ayaa noqotay fal kale oo lagu gubey Qur’aanka kariimka ah kaasoo ka dhacay dalka Sweden iyadoo lagu marmarsiyoonayo “xoriyatul qowlka” waxayna cambaarayn xooggan kala kulantay dunida Muslimka, taas oo khatar dheeraad ah ku ah dadaalka ay Stockholm ku doonayso inay Ankara uga hesho oggolaanshaha ku biiritaanka NATO.

Hadalsame Media