(Washington, DC) 26 Juun 2023 – Labo sano kahor waxaa soo baxay warar sheegaya in la la’yahay gabar ka tirsaneyd sirdoonka Soomaaliya. Dabayaaqadii bishii June sanadkii 2021 ayaa markii ugu horreysay la sheegay in la waayay Ikraan Tahliil Faarax, kaddib waxaa socday baaritaan ay wadday dowladda Soomaaliya.
Qeylodhaan ku aaddan halka ay gabadhan ku maqan tahay iyo waxa ku dhacay ayaa qabsaday baraha bulshada.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, ayaa war ay soo saartay bishii September isla sanadkaas, waxay ku sheegtay in baaritaan ay ku hayeen kiiska Ikraan oo ahayd qaybta dambi baarista internet-ka, ay ku ogaadeen in “ay dileen kooxda al-Shabaab”
Ikraan Tahliil Faarax ayaa sidoo kale soo noqotay aggaasimaha xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay Cabdiraxmaan Yariisoow oo lagu dilay qarax.
Goormaa la dilay?
Markii hore, Hay’adda NISA oo ay ka tirsanayd xilligaasi, ayaa lagu eedeeyay inay dilkeeda mas’uul ka yihiin, inkastoo ay dhankooda iska fogeeyeen. Xog kasoo baxday NISA ayaa lagu sheegay in baaritaanno la sameeyay lagu ogaaday inay Ikraan afduubteen al-Shabaab kaddibna dileen.
Hase yeeshee kooxda al-Shabaab ayaa dhankeedana beenisay inay ku lug lahayd maqnaashaha iyo dilka gabadhaas, taasoo sababtay in uu jahwareer badan hareeyo kiiskan.
Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Amniga Qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey, ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka Wariye Xasan Cadde ee telefishinka SMS SOMALI ku faahfaahiyay marxaladihii ugu horreeyay ee kiiskan waagaasi hore.

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV
Kiis ka duwanaa kiisaskii hore
Yaasiin Fareey oo marka uu billaabanayay kiiska Ikraan ahaa madaxa qaybta guud ee nabad sugidda gobolka Banaadir, ayaa sheegay in “isaga loo xil saaray baaritaankii ugu horreeyay ee lagu sameeyay arrintan, tallaabadii ugu horraysayna uu isagu qaaday.”
“Kiiskaas aniga ayuu i soo gaaray, maadaama aan madax ka ahaa gobolka, in Ikraan la waayay 28-kii bishii June, kaddibna maaddaama aan anigu gobolka joogay, taliyihii hay’addana ee xilligaasna uu dalka Soomaaliya ka maqnaa, waxaa aniga la ii xil saaray in kiiskaas aan baaritaan ku sameeyo,” ayuu yiri.
Sidee loo dilay Ikraan Tahliil?
Kaddib beenintii al-Shabaab ee inay dileen gabadhan, weli dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysaneysay in kooxdu ay dileen Ikraan Tahliil, balse ma aysan sheegin wax caddeyn oo ku saabsan sida ay gacanta ugu gashay al-Shabaab.
Al-Shabaab waxay dhankooda sheegeen inaysan dilin Ikraan, ayna la fajaceen marka ay maqleen dilka gabadhaas iyo in iyaga loo sarinayo.

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE
War kale oo dowladda Soomaaliya ka soo baxay
Guddi loo xilsaaray baarista Kiiskii Ikraan Tahliil Faarax, ayaa soo saaray natiijada baaritaankii ay ku sameeyeen kiiskii loo xil saaray.
Natiijada ayaa lagu sheegay bishii November ee sanadkii 2021-kii in baaritaan lagu sameeyay dhinacydii lagu tuhunsanaa kiiska sarkaalad Ikraan.
Jeneraal Cabdullahi Buulle Kameey, oo ah Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka oo natiijadan akhriyay, ayaa sheegay inay cadeymo ka qoreen saraakiisha sar sare ee hay’adda Nisa.
Waxaa uu xusay in dadka cadeymaha ay ka qoreen ay kamid yihiin ku simaha taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaran xiligaasi hore, Gaashaanle sare Yaasiin Cabdulahi Maxamuud (yaasiin farey), taliyihiin hore ee nabad sugidda Fahad Yaasiin Xaji Daahir, iyo Cabdullaahi Aadan Kulane, madaxii hore ee shaqada iyo shaqaalaha.
Jeneraal Cabdullahi Buulle Kameey, ayaa sidoo kale sheegay inay tageen xafiiska hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka, ayna dib u eegeen kamarooyiinka ammaanka ee CCTV loo yaqaano.
Hay’adda nabad-sugidda ayuu Mr Kameey sheegay in guddiga loo xilsaaray baarista Kiiskii Ikraan Tahliil Faarax ay si hufan ula shaqeeyeen.
Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay inaysan helin wax cadeyn ah, oo muujinaya in Ikraan Tahliil ay ku maqan tahay gacanta saraakiisha hay’adda sirdoonka ee Nisa.
“Intii aan baarista kiiska ku guda jirnay guddiga uma soo bixin wax cadeyn ah haba yaraatee, oo muujinaya in Ikraan Tahliil Faarax ay ku maqan tahay gacanta saraakiisha hay’adda NISA,” ayuu yiri Mr Kameey.
Alshabaab maxay ka yiraahdeen dilka Ikraan Tahliil?

XIGASHADA SAWIRKA,AFP
Markii ugu horreysay ayey Al-shabaab ka hadleen bishii September ee sanadkii 2021-kii, isagoo iska fogeeyey inay ku lug leeyihiin dilka Ikraan.
Balse, Barta internet-ka ee Somali Memo oo baahisa wararka Al-Shabaab, oo lagu tiriyo inay taageero u tahay ururkan, ayaa qoraal lasoo dhigay waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay iska fogeeyeen dilka Ikraan, isla markaana uusan wax shaqo ah ku lahayn.
“La yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada Soomaaliya nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna ula fajacnay,” sidaas waxaa sheegay mas’uul u hadlay Alshabaab, oo ay soo xigatay barta SomaliMemo.
Qoraalka waxaa lagu yiri: “Kama dambeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysay hay’adda NISA.
Waxaa horay looggu bartay Alshabaab inay ku faanaan waxyeelleynta saraakiisha dowladda.
Qoyskeeda maxay ka yiraahdeen?

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK
Ikraan hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, oo xilligaas warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in gabadheeda iyadoo joogta guri u dhow xarunta nabad sugidda lasoo wacay, kaddibna gaari lagu kaxeeyay.
Guriga ay ku sugneyd wuxuu ku yaallay agagaarka xarunta Nabad sugidda, oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.
Qaali Maxamuud oo waddanka Turkiga uga timid bishii September ee sanadkii 2021-kii, si ay gabadheeda u baadi goobto, ayaa shir jaraa’id warbaahinta ugu qabatay magaalada Muqdisho, waxayna dowladda Soomaaliyeed ee xiligaasi ka codsatay in laga caawiyo sidii ay gabadheeda dib ugu heli lahayd.
“Aniga in sida ugu dhaqsiyaha badan wax la iila qabto ayaan rabaa, oo gabadheyda meesha ay ku jirto laga soo bixiyo. Gabadheyda meel dheer ma jirto, ma dhoofin, baasaboorkeeda aniga ayaa haayo, waddankaan ayay ku jirtaa, magaalada Muqdisho ayaa meel laga galiyay, ha la ii soo bixiyo,” ayay tiri Qaali Maxamuud oo ah gabadha maqan hooyadeed.
Sidoo kale nabadoonno kasoo jeeda beesha ay ka dhalatay gabada, ayaa dalbaday bishii September ee sanadkii 2021-kii in sida ugu dhakhsiyaha badan dib looggu soo celiyo reerkeeda Ikraan Tahliil.
Saraakiishii xilalkooda ku waayay?
Kiiskii Ikraan Tahliil, ayaa waxa uu sababay inay shaqadooda ku waayaan labo kamid ahaa dowladda xilligaasi, oo ku beegneyd bishii September ee sanadkii 2021-kii saraakiishii ugu sarreysay dowladda, gaar ahaan laamaha amniga, inkastoo xil ka qaadistooda ay abuurtay muran.
Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xilligaasi shaqada ka eryey aggaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Sidoo kale waxa uu Rooble xilka ka qaaday wasiirkii Amniga Gudaha, Xasan Xundubeey Jimcaale, oo uu ku baddalay mas’uul kale.
Balse Rooble ma sheegin in sababta xil ka qaadista ay tahay kiiska gabadha, hase yeeshee waxaa la sheegay inay ahayd waxyaabo ka dhashay kiiska, gaar ahaan khilaafka madaxda.
Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkii hore ee 2022-ka, ma jirin wax la ogyahay oo ay dowladdu ka tiri kiiskii Ikraan Tahliil.
Waa tuma Ikraan Tahliil?

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA
Ikraan waxay bishii August ee sanadkii 1996-kii ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay, kaddibna dalka dib ugu soo laabtay.
Waxay khibrad u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda, iyo laamaha amniga.
Gabadhan ayaa lix sano ka hor intaan la waayin ku biirtay hay’adda Nabad sugidd iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay’addaas.
Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay, ayaa waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Kolkaa kadib, ayaa waxay ka shaqo billowday xafiiskii guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, oo ay aggaasime ka ahayd.
Waqti kadib, dalka Soomaaliya ayay ka baxday Ikraan, inkastoo ay mar kale dib ugu noqotay. Hooyadeed ayaa waxay sheegtay in markii ay baxday ay aqoon kororsi u tagtay dalka Ingiriiska.
Ilaa iyo haatan wax war ah lagama hayo in la helay meydkeeda iyo in kale.
BBC
Hadalsame Media