Xaaladda murugada leh ee Khartuum & Eeyaha oo maydadka dadka waddooyinka ku cunaya

0

(Hadalsame) 09 Juun 2023 – Cumar* ayaa sheegay in dagaal culus oo ka dhacay caasimadda Suudaan ee Khartoum uu ku qasbay inuu ugu yaraan 20 qof ku aaso dabaqayada iyo guryahooda hoostooda ama dhowr mitir u jira albaabkooda.

Waxa uu sheegay in aanay wax aan caadi ahayn in aad furto albaabkaaga hore oo aad aragto ey cunaya haraaga jirka bini’aadamka.

“Saddex qof ayaan guryahooda ku dhex aasay, inta kalena waxa aan ku aasay waddada aan ku noolahay agteeda,” ayuu yiri.

“Nin deriskayga ah ayaa gurigiisa lagu dilay, waxba kale maan sameyn karin oo aan ka ahayn soo bixiyo dhoobada gurigiisa, qabri qodo oo aan aaso,” ayuu raaciyay.

‘Xaafadaha isu rogay xabaalaha’

Qorayaha Sniper-ka ee shiishka caanka ku ah ayaa ku haray saqafyada dushooda iyadoo weli uu socdo dagaalka ba’an ee Khartoum ku dhex maray milatariga Suudaan iyo kooxda gurmadka degdega ah ee RSF iyadoo xabad joojintu meesha baxday. Rabshadaha ayaa Cumar iyo dad kale oo badan u diidaya in dadka dhintay ay u daabulaan qabuuraha.

“Meydadka waxaa lagu daayaa iyagoo yaalla cadceedda, maxaan sameyn karaa? xaafado ka mid ah Khartoum ayaa hadda isu beddelaya qabuuro”.

Saddex toddobaad ka hor, Cumar waxa uu afar qof hal qabri ah uga qoday waddo dhawr mitir u jirta gurigiisa oo ku yaalla degmada Al Imtidad ee Khartoum. Waxa uu sheegay in uu garanayo dad kale oo sidaas oo kale ku sameeyeen dadka deggan xaafadaha u dhow.

“In badan oo ka mid ah dadka la dilay waxaa lagu aasay meelo u dhow Jaamacadda Khartoum, oo ku dhow xarunta shidaalka Seddon, oo ah calaamad caan ah, meydad kale ayaa lagu aasay xaafado u dhow waddada Maxamed Naguib.”

Tiro-koob rasmi ah lagama hayo tirada dadka ku aasan guryaha iyo xaafadaha Suudaan, balse Cumar waxa uu leeyahay “waxay noqon kartaa tobaneeyo”.

Aasidda meydadka askarta

Aasidda meydadka askarta

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Xaamid* dhacdo la mid ah tan cumar ayaa soo martay. Waxa uu BBC-da u sheegay in uu saddex askari ku aasay deegaan ayu dhow magaalada Shambat, oo 12km ka baxsan caasimadda, ka dib markii ay burburtay diyaarad milatari.

“Aniga waxaan ku sugnaa goobta, koox shan qof ah iyo aniga ayaa meydka ka soo qaaday qashinka, waxaana ku aasnay meel ay ku hareereysan yihiin dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla Shambat.”

“Muhiim maaha meesha aan ku aaso meydadka,” ayuu yiri. “In la aaso ayaa mudnaanta koobaad ah, waa sadaqoin la sameeyo ay aad muhiim u tahay, safarka qabuuraha [xabaalaha] waxay qaadan kartaa maalmo, kuwa wax toogtaana meel walba ayay joogaan.”

“Waxaan isku dayeynaa inaan bulshada ka caawinno inay la soo darsito masiibo caafimaad,oo kaga timaadda meydadka waddooyinka ku dayacan ee ay qorraxdu ku dhaceyso. Waxaan kale oo aan eegan karin xayawaanka cunaya haraaga meydadka waddooyinka yaalla.”

Xaamid waxa uu sheegay in sawirka “maydka aadka u gubtay” ay weli maskaxdiisa ka bixi la’dahay isla markaana uu niyad-jab ku dhacay dhawr maalmood ka dib markii uu aasay saddexda nin.

“Hurdadayda way saamaysay, waxaana awoodi waayay inaan wax cuno maalmo badan.”

BBC

Hadalsame Media