Ballaarinta gegada Anfield oo gaartey heer wanaagsan & Goorta uu diyaar noqonayo + Sawirro

0

(Hadalsame) 09 Juun 2023 – Horumarinta Garoonka Liverpool oo bilowday kaddib dhammaadka xilli-ciyaareedka ayaa ka soconaya halkaasi, iyadoo qaybta Anfield Road Stand ay haatan gaartey marxalad muujinaysa in saqafkii laga tuuray.

Kooxda Reds ayaa sii daysey muuqaal cusub iyadoo adeegsanaysa kaamiro daroon ah jimcahan maanta ah waxaana fiiqan tarabuunka ka horjeeda qayta, waxayna sheegeen in howshani ay qaadatay hal toddobaad iyadoo 75 injineer xirfad lih ay ka shaqaynayaan habeen iyo maalinba. Waxaa ku baxaya £80m oo gini.

Saqafka cusub ayaa hadda waxaa arki kara taageerayaasha, iyadoo kii hore loo diyaarinayo dib u wershadayn cusboonaysiin ah ama recycling.

Howsha ugu adagi waxay ahayd qaaditaanka saqafkii hore taasoo keentay in loo baahdo wiishas culus oo uu midkiiba dallici karo 600 iyo 500 oo tan – kaasoo ay taageerayaan wiishad kale oo laba oo kala qaadi kara 300 iyo 700 tan.

Shaqadu waa tillaabadii ugu dambaysey ee qaab lagu kordhinayo qaadka Anfield si loo gaarsiiyo ilaa 61,000, taasoo bilaabatay Sebtembar 2021-kii waxaana la dhamaystiri doonaa bilowga xilli ciyaareedka 2023-24.

Sidaa darteed shaqadu way sii socon doontaa xagaaga si loogu diyaargaroobo bilowga xilli ciyaareedka cusub ee Premier League, kaas oo la qorsheeyey inuu bilaabmo usbuuc-dhammaadka Agoosto 12, waxayna Reds codsatay in kulamada hore laga dhigo dool si ay ugu soo ciyaarto bannaanka.

Four cranes helped remove the old roof of the stand, with the new one now visibleLiverpool have released new footage of the development of Anfield - in particular the Anfield Road StadiumWork on the ground is expected to be completed before the start of the 2023-24 campaign

Hadalsame Media