”Waxay cabayeen kaadidooda” – Askar Ugandan ah oo 6 maalmood ka dhuumanayey Shabaabka

0

(Hadalsame) 08 Juun 2023 – Askar ka tirsan ciidamada Uganda ayaa muddo lix maalmood ah is qarinayey kahor inta aan la soo badbaadin kaDdib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay dul mareen saldhiggooda, sida uu VOA u sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Uganda (UPDF).

Sareeye Guuto, Felix Kulaigye, ayaa sheegay in afar Askari oo uu ku jiro Sarreeye Guuto ay ka badbaadeen iyagoo ku dhuumaalaysanaya gudaha iyo hareeraha Saldhigga magaalada Buulo Mareer oo 110-KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ciidamada la helay kaddib markii ciidamada Uganda ay dib ula wareegeen xerada Khamiistii.

“Markii aan soo helnay, way tabar yaraayeen sababtoo ah waxay cabayeen kaadidooda oo kaliya,” ayuu yiri Kulaigye. Waxa uu sheegay in mid kasta oo ka mid ah askartaasi uu kaligiis ku dhuumanayey, meel gaar ah.

“Waxay ahaayeen kuwo daciif ah gaajo darteed,” ayuu yiri. “Taliyuhu waa uu dhaawacnaa, lugtiisu si xun ayay u taalley, waxaana lagu daaweeyey isbitaalka, laakiin waxay ballanqaadayaan inay si wanaagsan u soo kabsan doonaan.”

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxwayne Yoweri Museveni sheegay in 54 askari oo Ugandan ah looga diley weerarkii 26-kii bishii Maajo ay Shabaabku ku qaadeen Xerada Buulamareer.

Hadalsame Media