”Soo bandhiga kiiska khaarajintii JFK kaddib dalalka kale saxa” – Ruushka oo meel xun ka taabtay Maraykanka

0

(Moscow) 08 Juun 2023 – Haddii Maraykanku uu rabo in loo tixgeliyo awood dimoqraadiyadeed iyo mid xuquuqul insaan, waa inay nadiif ka ahaataa khaarajintii Madaxwayne John F. Kennedy iyo walaalkii, ayay tiri afhayeenad u hadashay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ruushka, Maria Zakharova.

Intii lagu guda jirey warbixinteeda joogtada ah ee maalinlaha ah, Zakharova ayaa wax laga waydiiyey hadalka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken, kaasoo sheegay in Washington ay ku tala jirto inay difaacdo xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee gudaha Shiinaha iyo adduunka oo dhan.

“Washington lafteedu waxay muddo dheer ka gaabisay heerarka dimoqraadiyadda ay sida cad ugu dhawaaqdo meel kasta,” Zakharova ayaa ku jawaabtey, iyada oo raacisay in Maraykanku uu dibedda ula jahro “hadallo munaafaqnimo ah oo niic ah” si uu u qariyo himiladiisa gumaysiga cusub iyo danaha siyaasad-juqraafiyeed.

“Taariikhda siyaasadda Maraykanka waxaa ku jira xaqiiqooyin badan oo aan fiicnayn oo ay si ula kac ah u damiyeen mas’uuliyiinta Maraykanku,” ayay tri Zakharova.

Tusaale ahaan, waxay soo qaadatay qoyska Kennedy – iyo sannad-guuradii dhowayd ee Juun 1968-dii dilkii Senator Robert F. Kennedy ee ka dhacday Los Angeles, intii lagu jirey doorashooyinkii horudhaca ahaa ee madaxwaynenimada oo uu isagu ahaa ninkii loogu jeclaa ama ugu shacbiyadda badnaa.

Dilka RFK ayaa yimid laba bilood kaddib markii toogasho lagu diley hoggaamiyihii xuquuqda madaniga ah u doodi jirey ee Martin Luther King – iyo ku dhowaad shan sano kaddib dilkii walaalkii ee dhacay Nofeembar 1963-kii, markaasoo la khaarajiyey John F. Kennedy, Madaxwaynihii 35-aad ee Maraykanka, Zakharova ayaa u sheegtay warfidiyeenka.

“Waxaan u soo jeedinayaa Mr. Blinken inuu dhiirranaan yeesho oo uu daabaco dhammaan agabyadii ku saabsanaa dilalkii siyaasadeed ee Madaxwaynayaashii Maraykanka, gaar ahaan John F. Kennedy, una sheego dadkiisa, ugu horreeyn – runta ka sheego wixii ka dhacay Dallas iyo markii dambe Chicago, Shirwaynihii Xisbiga Dimuqraadiga,” ayay tiri.

“Kaliya marka ay xiraan kiiska dilalkan siyaasadeed, ayay isku dayi karaan inay saxaan dalal kale.” ayay ku doodday Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka.

Hadalsame Media