Malliishiyada Suudaan oo jidadka Khartuum ku daadisay lacago Shilin Soomaali ah + Sababta

0

(Khartuum) 08 Juun 2023 – Maliishiyada Imaaraatka Carabtu taageero ee ka dagaalamaya Suudaan ee loo yaqaano RSF- gurmadka deg deg ah ama “DacmaSariic”, uuna hogaaminayo Jeneraalka Geeljiraha ah ee taageerada ka haysta Imaaraatka, ayaa dariiqada caasumada Khartuum qaarkood ku daadiyay Lacagtan sawirka ka muuqata oo ah mid ay leedahay dawladda Soomaaliya.

Ka hor 2011-kii, waxaa la xaqiijiyey in ay dawladda Soomaaliya ay ka dalbatay dawladda Suudaan daabicida lacag shiling Soomaali ah, Malaayiin Dollar ayaana lagaliyey, taas oo ah mida sawirkan ka muuqata, laakiin aan la keenin gudaha dalka.

Sida la xaqiijinayo lacagtaas waxaa boobay kooxaha Suudaan ku dagaalamaya, iyadoo aan faahfaahin laga heynin ilaa hadda mana bixin dawladda Soomaaliya wax xog ah oo dheeraad ah.

Lama oga sababta ay lacagahan jidadka ugu daadiyeen iyo sababta ilaa mudadaa aan lacagtaas loo keenin Somalia.

Dhanka kale, lacagtan ayaa sababi lahayd qiime dhac baahsan oo ku yimaada Shilin Soomaaliga, maadaama ay ku jirto mid ilaa 50,000 oo Shilin ah.

Hadalsame Media