Ciidamada NATO oo geli kara Ukraine & Dalka ugu horreeya oo la magacaabay

0

(Hadalsame) 07 Juun 2023 – Xoghayihii hore ee NATO oo haatan isu beddeley La-taliyaha Madaxwaynaha Ukraine, Anders Rasmussen, ayaa ku andacoodey in qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah NATO ay dhici karto inay si mutadawacnimo ah ciidamadooda ugu diraan Ukraine, haddii aan waddanka loosoo samaynin ballanqaad amni oo ku saabsan arrimo badan oo kala duwan oo ku saabsan shir madaxeedka soo socda.

Rasmussen, oo la taliye u ahaa Madaxwaynayaasha Ukraine Vladimir Zelensky iyo Petro Poroshenko, ayaa sheegay in Kiev ay tahay in la siiyo dammaanad qoraal ah kahor inta aysan hoggaamiyeyaasha NATO ku kulmin Vilnius, Lithuania bisha soo socota, taasoo ay ku jiraan wadaaga sirdoonka reer Galbeedka, siinta hub iyo tababar millateri oo wadajir ah.

“Haddii NATO ay ku heshiin waayaan waddo cad oo loo maro Ukraine, waxaa jirta suurtogalnimo cad in dalalka qaar ay shakhsi ahaan u qaadi karaan tallaabo,” ayuu yiri Arbacadii, sida laga soo xigtey Guardian.

”Waxaan u maleynayaa in Poland ay si dhab ah uga fikiri doonaan inay galaan Ukaine oo ay ururiyaan wax la yiraahdo ”isbahaysiga rabitaanka” haddii Ukraine aysan wax ka helin Vilnius.” ayuu ku dooday.

Kaddib markii uu socdaal ku maray Yurub iyo Maraykanka toddobaadyadii la soo dhaafay si uu gacan uga gaysto taageero millateri oo la siiyo Ukraine, Rasmussen wuxuu ku dooday in keenista ciidamada shisheeye ay sharci ahaan tahay mid waafaqsan xeerka caalamiga ah haddii ay codsato Kiev.

Hadalsame Media