Uganda oo go’aan ka gaartey joogitaankeeda Somalia war cusubna soo saartay

0

(Hadalsame) 06 Juun 2023 – Ciidamada Uganda ayaa dib u qabsaday saldhiggii ay ku lahaayeen magaalada Buulo Mareer oo ay kusoo weerareen maleeshiyaadka al-Shabaab 26-kii bishii Maajo ee aynu soo dhaafnay.

Madaxwyenaha Uganda ee Yoweri Museveni ayaa Sabtigii sheegay in 54 ka tirsan ciidankiisa lagu dilay weerarkaas.

Haatan, Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sii JOOGI doona Somalia inkastoo 54 askari looga diley weerarka koonfurta Soomaaliya, sida uu sheegay diblomaasi hadlay Talaadadii shalaytoole.

Ku-simaha Safiirka Uganda ee Soomaaliya, Nathan Mugisha, ayaa sheegay in ciidamada Uganda ay weli ku adkaysanayaan go’aankooda ah inay gutaan waajibaadka ATMIS-ta, islamarkaana weerarkii bishii hore aanu ka leexin doonin dadaalkooda xasilinta.

Ergayga Uganda ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu booqday askar kasoo kabanaysa dhaawac oo taalla isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, kaddib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Buulo Mareer oo ay degan yihiin ATMIS 26-kii bishii tagtay.

Mugisha ayaa sheegay in ciidamada Uganda ay sii wadi doonaan caawinta fududaynta hanananka xasilinta Soomaaliya, islamarkaana ay garab istaagi doonaan Dowladda, Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka si ay u helaan xasillooni, horumar dhaqaale iyo isbedel, sida uu yiri.

Hadalsame Media