Beeraha caleenta shaaha ee Kenya oo uu soo gaarey khasaare malaayiin Doollar ah + Sababta

0

(Hadalsame) 06 Juun 2023 – Marka la eego bayaanka ganacsatada shaaha ee Mombasa 26-kii Maajo, Kenya waxay lumisay lacag u dhiganta ilaa $19.4 milyan oo Doollar tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadyada shirkadaha shaaha ee gobollada Kericho iyo Bomet.

Shirkadda shaaha ee Ekaterra (oo hore u ahayd Unilever) ayaa bayaan kasoo saartay joojinta howlihii ay ka wadeen labada gobol, kaddib markii ay burburiyeen mashiinnada caleenta gura dadka degaanka oo ka cabanaya shaqooyin ay waayeen 22-kii Maajo.

Wershadaha shaahu waa qayb muhim ah oo ka mid ah dhaqaalaha Kenya. Sida laga soo xigtey Ururka Beeralayda Shaaha ee Kenya (KTGA), xaaladda rabshadaha hadda jirta waxay saamayn xun ku yeelan kartaa wershadaha shaaha guud ahaan maadaama ay caqabad ku yihiin korriimadooda.

Intaa waxaa dheer, beeralaydu waxay tilmaameen qiimaha sare ee abuurka iyo bacriminta beerahani inay tahay isha kale ee walaaca wayn ku haysa, sida uu Bangiga Dhexe ee Kenya sheegay Maarso 2023.

Hadalsame Media