”Waa qaybin” – Nasri Warsame oo qaaday tillaabo uu iskaga dhega tirayo go’aankii DFL

0

(Minneapolis, Min) 06 Juun 2023 – Maalmo uun kaddib markii si rasmi ah looga mamnuucay inuu abidkiis taageero ka kasbado Minnesota DFL, musharraxa golaha degaanka ee magaalada Minneapolis, Nasri Warsame, ayaa sheegay inuu sii wadayo ololihiisa.

Warsame ayaa sheegay in uu u tartami doono Kursiga Golaha degaanka ee Ward 10, isagoo aan cidna taageero ka helin. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Gudoomiyaha Xisbiga Ken Martin in uu raaligelin siiyo bulshada Soomaaliyeed, isagoo ku andacoonaya in DFL ay ku eedeeysantahay inay adeegsatey xeelado lagu kala qaybinayo bulshada.

Musharraxan Golaha Degaanka ayaa laga mamnuucay inuu helo taageerada DFL kaddib dagaal ka dhacay shirwaynihii degmada 10-aad ee Maajo 13, iyadoo taageerayaasha Warsame lagu eedeeyey inay ahaayeen kuwii gardarada lahaa.

“Waxaan si adag u aaminsanahay isla xisaabtanka iyo qaadashada mas’uuliyadda. Waxaan si cad u cambaareeyey rabshadaha dhacay, waxaana sii wadi doonaa inaan u doodo ka qaybgalka nabada iyo ixtiraamka geedi socodkeenna siyaasadeed,” ayuu Warsame ku sheegay hadal uu soo saaray.

“Si kastaba ha ahaatee, kama aamusi karo marka aan wajaho hannaan ku dhisan eex, caddaalad darro iyo dimoqraadiyad-xumo.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media