”Waa dabar go’aynaa” – Dadka Ukraine oo tiro ahaan ku dhowaad laba laab ka hoos maray intii ay ahaayeen 1991-kii

0

(Kyiv) 06 Juun 2023 – Kaliya 29 milyan oo qof ayaa lagu sheegay tirada Ukraine, iyagoo hoos uga dhacay 52 milyan oo qof oo ay ahaayeen markii ay ku dhawaaqdeen madaxbannaanida 1991-kii, sida uu sheegay machadka ka dhisan dalka Ukraine Isniintii.

Hay’adda Ukrainian Institute for the Future ayaa xustay in isbeddelladan ku dhacay tirakoobka Ukraine ay kor u qaadayaan welwelka laga qabo inuu siiba jiri karo dalkaasi.

In kasta oo in ka badan kala bar 20,7 milyan oo Yukreeniyaan ah oo ka qaxay dalka bishii Febraayo 2022-kii ay u muuqdaan inay soo noqdeen, waxaa weli jira in ka badan 8,6 milyan oo qof oo u muuqda inay si joogto ah uga tageen dalkaasi, sida uu sheegay machadka UIF.

Inta soo hartay waxaa dadka wax soo saarka leh oo ah sagaal milyan oo kaliya – kuwaas oo ku dhowaad lix milyan oo ka mid ahi ay dhab ahaantii dakhli ka helaan ganacsiga gaarka loo leeyahay, halka inta soo hartayna ay ku jiraan miisaaniyadda Dowladda, machadka  ayaa sidaa ku sharraxay warbixintiisa.

Maaddaama heerarka dhalashadu ay taagan tahay meel aad uga hooseeysa heer wax ka qaban kara bedelka dadka dhintay ama tegey, dhowr sano gudahood Ukraine waxay yeelan doontaa labanlaab shaqaale howlgab ah oo ka badan muwaadiniinta shaqeeya, UIF ayaa tiri, iyada oo ka digaysa in “aanay jiri doonin cid soo saarta GDP” haddii aysan wax isbeddelin.

Hadalsame Media