Ingiriiska oo tijaabinaya mashruuc dadka lagu siinayo BIIL bilaash ah oo ku filan (Magaalooyinka laga bilaabay & Ujeedka?)

0

(Hadalsame) 06 Juun 2023 – Dakhli caadi ah oo aasaasi ah oo gaaraya £1,600 oo gini bishii ayaa waa in lagu tijaabinayaa gudaha England markii ugu horreeysey waana barnaamij cusub.

Ilaa 30 qof ayaa la siin doonaa lacag hal mar ah oo shuruud la’aan ah bishiiba muddo laba sano ah waxaana la eegi doonaa si loo fahmo saamaynta ay arrintani ku yeelan doonto noloshooda.

Laba meelood oo England ah ayaa loo doortay nidaamkan tijaabada yar: bartamaha Jarrow, woqooyi-bari England, iyo East Finchley, ee woqooyiga London.

Will Stronge, oo ah Maamulaha Cilmi-baarista ee hay’adda xog ururinta Autonomy, oo taageerta qorshahan, ayaa sidan ka yiri lacagtan ah £1,600 gini:

“Tani waa lacag la taaban karo. Dakhliga aasaasiga ah ee caalamiga ah sida caadiga ah wuxuu daboolayaa baahiyaha aasaasiga ah ee dadka, laakiin waxaan rabnaa inaan aragno saamaynta ay lacagtan shuruud la’aanta ahi ku leedahay caafimaadka maskaxda iyo jirka dadka la siiyey, haddii ay doortaan inay shaqeeystaan iyo haddii kale.”

Hadalsame Media