DAAWO: Apple oo soo bandhigtay kombiyuutar nooc kale ah & Muuqaallada khayaalka ah ee uu leeyahay + Khatartiisa

0

(Hadalsame) 06 Juun 2023 – Ookiyaale computer oo kale ah ama u dhigma, kana muuqaal wanaagsan computerka. Waa qaabka ay computer-ada mustaqbalka isku bedeli doonaan.

Asiga ayaa meesha aad eegtid shaashad wayn inay ku hortaallo ka dhigaya,  intaa qura maahee xataa dhowr shaashad oo isgarab yaalla kaaga dhigi kara.

Waad ku shaqaysan kartaa, dad waad kala xariiri kartaa, waxna waad ku daawan kartaa, oo howlaha uu computer-ka caadiga ihi qabto dhan ayuu kuu qabanayaa ookiyaalahan.

Indhahaaga iyo gacantaada ayaadna ku koontaroolaysaa, oo ookiyaalaha maahee, qalab kale oo lagu xirayo uma baahnid.

Jiif, fadhi iyo istaagna waad ku isticmaalaysaa. Qolka adigoo fadhiya ayuuna kaaga dhigi karayaa inaad duni kale joogtid.

Waa okiyaalashii horay u jiray ee wax lagu daawan jiray oo gebigiisaba computer cml laga dhigay.

Shirkadda Apple ayaa soo saartay ookiyaale sidaasoo kale ah oo Vision Pro la yiraahdo.

$3,499 oo doollar ayuu qiimihiisu ku kacayaa, xalay ayayna soo bandhigeen shirkadda Apple.

Aniga aad baan ula dhacay qalabkaas, balse waxaan koow wallaac ka muujiyey indhaha dhibka uu u keeni karo ookiyaalahaasi, balse sida kale waa top, meel cajiib ah oo qurux badan ayayna teknoolajiyaddu ku socotaa, sidaan qabo.

Hadda xilligaan Internet-ka markaan isticmaalayno shaashadaha computer-ada iyo mobile-da iwm ayaan eegnaa, mustaqbalka waxaa la rabaa inuu arrinka u ekaado inaan Internet-ka ku dhex jirno oo kale, oo caalam kale oo khayaali ah dhex marayno.

Sida aan hadda halkan ugu kulmayno oo kale si ka wayn in loo kulmo, oo xataa Internet-ka dhexdiisa aad xaflado si dhalanteed ahaan looga soo qaybgeli karo ku samaysato iwm.

Tan kale mobile-daan caadiga ah ee lasoo saaray ayay dadku sidaan dhan indhaha ugu hayaan, uguna fooraraan, maan iyo maskax ahaanna inbadan oo kamid ah ayagoo kula jooga u maqan yihiin.

Bal ka waran haddii ookiyaale caalam kale ku gaynaya iyo caalam khayaal ah oo kaagii caadiga ah kaa mashquulin kara Online-ka lagaaga sameeyo, maxaa dhici kara? Caadi ayaaba laguu lahaanayaa sow maaha?!!

Sidee ayaad adigu u aragtaa arrimahaas?

W; D: Axmed Kediye

Hadalsame Media