AFAR faa’iido oo uu dal kasta shirkadihiisa ka helo oo ay ku liitaan kuwa Soomaalidu

0

(Hadalsame) 06 Juun 2023 – Shirkadaha waaweyn ee soomaalidu haddii ay dumaan dalka iyo bulshadu waxba u noqon maayaan ee waaba la ga raysan lahaa.

Waayo dalka ku ma laha maalgashi, cashuur bixin iyo shaqaalayn la sheegi karo, adeegyada ay hayaanna kaalin ku ma laha horumarka dhaqaalaha dadka. Keliya lacagta adag bay dalka ka fuuqsadaan oo debedda u saaraan, sida gafanaha ayayna bulshada dhiigga ka jaqaan.

Iyaga ayaa sabab u ah in dalku waxsoosaar iyo wax la dhoofiyo yeelan waayo oo shay kasta debedda la ga keeno. Iyaga ayaana sabab u ah in dhulalka Soomaalida oo dunida u gu saboolsan haddana noloshu aad qaali u tahay. Markaa kaalinta keliya ee ay dhaqaalaha ku lee yihiin waa mid taban.

Dal waliba waxyaalaha uu shirkadihiisa ka faa’iido waxaa ka mid ah:

1) Shaqaale badan oo ka mushahar qaata.

2) Dowladda oo cashuur badan ka hesha.

3) Wax soo saar lagaga kaaftoomo wax debedda la ga keeni lahaa.

4) Wax soo saar debedda loo dhoofiyo oo dalku lacag adag ka helo, 5) sumcadda dalka oo ay xayaysiis u noqdaan. Intaa beddelkooda weeye shirkadaha soomaalidu.

W; Q: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media