Xildhibaanno keenay codsi ka dhan ah MW hore ee Farmaajo & Meesha ay ku khaldan yihiin (Daawo)

0

(Muqdisho) 05 Juun 2023 – Waxaa saaka kooram la’aan u baaqday kulan uu yeelan lahaa Aqalka Golaha Shacabka ee Baarlamanka ”Federaalka ah” ee dalka Somalia.

Baarlamanka oo ay ka wada maqan yihiin Guddoonka oo Sucuudiga aadey iyo Xigeenkiisaba, ayaa waxaa shir guddoomin lahaa Guddoomiye Xigeenka 2-aad Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Markii uu shirku baaqday ayaa waxaa uu Guddoonkii shirka maantu codsaday in la aqriyo magacyada Xildhibaannada maqan, waxaana ku jira MW hore ee Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo la amray inuu soo xaadiro shirarka Baarlamanka, sida uu baahiyey 5 TV.

Dadka arrintan soo jeediyey ayaan ka fiirsan arrin farsamo oo jirta. Farmaajo ma aha Xildhibaan rasmi ah e waa Xildhibaan sharafeed, sidaa darteed, waajib kuma aha inuu soo xaadiro kulamadda codna kuma laha Baarlamanka, taasoo muujinaysa inaysan xitaa aqoon sida ay u shaqayso xubin-sharafeedku.

Waxay se ahayd in Guddoon Xigeenku uu ugu yaraan arrintaa ku baraarugsanaado oo uu Xildhibaannada u sheego inay taa ku khaldan yihiin.

Tusaale, Xasan Sheekh oo sidan oo kale xubin-sharafeed u ahaa marna ma imanin kulamada Baarlamanka isla sabab la mid ah midda aanu soo sheegnay darteed.

Hadalsame Media