Haweeney 123-jir ah oo aan abid nin la kulmin oo weli raadinaysa ”Jacayl dhab ah”

0

(Hadalsame) 05 Juun 2023 – Islaan 123 jir ah oo weli sugaysa inay heshi jacayl dhab ah oo ay nolosha la wadaagto, sida ay sheegtay.

Haweeney 123 sano jir Rwandan ah oo lagu magacaabo, Theresa Nyirakajumba ayaa sheegtay inaan waligeed la guursan oo ay bikro tahay, walina ay sugeyso inay hesho nin wanaagsan.

Theresa oo ka hadashay barnaamijka Afrimax Show ayaa sheegtay inay yaraanteedii diiday rag badan, sababtoo ah waxay sugaysay nin sax ah, balse ilaa hadda ma aysan helin nin ku habboon!

Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay inay wali ku rajo weyn tahay inay hesho wehel, sababtoo ah waxay ku daashay nolol cidla ah oo caajis ah.

W; D: Siciid Nadaara

Hadalsame Media