DHALIIL WAX DHISAYSA: Halka nin ee runta ka sheegay Shirwaynaha Aragti-wadaagga wararka Been-abuurka ah (Daawo)

0

(Muqdisho) 05 Juun 2023 – Riwaayaddii ay Wasaaradda Waxfaafintu ugu magac dartay Shirweynaha aragti wadaaga Warbaahinta, balse ay isku urursadeen shaqaalaha Wasaaradda, iyo xogaa odayaal ah oo dusha looga qurxiyay, oo Maalmahaan lagu jilayay Hotel Jasiira, markii aan raadad kooda dib u daawaday, Qofka keliya ee kooxda Riwaayadda dhigeysa runta u sheegay waxaa goobta ka tagey Xildhibaan Sxbkeey Abdirahman Abdishakur Warsame oo ku yiri, marka hore idinku bulshada wararka runta ah u sheega, oo iska daaya buun buuninta iyo gulwadeynta. isagiina Wasiir Daud Aweis ayaa u jawaabay. Yaab

Runtii Hadalka Xildhibaan CCW wuxuu ahaa mid xaqiiq ah oo aan la qabo, waxaase layaab leh in kuwa iyaguba Warbaahintii ay maamulayeen ee la rabay in lagu deydo ka baahinaya warar been ah, iney hadana ka dacwoodaan shacab isticmaala baraha bulshada, iyagoo ku eedeynaya iney Facebook ku baahiyaan warar been ah, waa arin Cajiib ah

Tankale, Inay Wasaaradda Waxfaafintu runta ka baqeyso, hadana ay rabto iney Madaxda Sare ee Dowladda been u sheegto waxaa daliil u ah, Kulanka ay qabatay waxey ugu magac dartay “Shirweynaha aragti wadaaga” waxeyna goobta isugu keeneen Shaqaalihii Wasaaradda, shaqsiyaad sheeganaya Ururo Saxaafaddeed oo iyaga jeebka ugu jira, Xildhibaano Iyo tiro yar oo Odayaal cuslaaday ah oo aan toos runta uga sheegi karin, iyagoo kulanka kala dhuumanaya inta badan Suxufiyiintii Macnaha lahaa ee iyaga ka madax banaanaa, oo aan shirkaan laga qeybgelin, weliba iyagoo ku sugan Magaalada. Kuwaas oo laga yaabo iney waxbadan ku kordhin lahaayeen ama ay la sixi lahaayeen.

Ugu dambeyn, Saaxiibadeey @DaudAweys iyo Abdirahman Yusuf Al-adala , waxaan kula talin lahaa, talada dadka ehelka u ah haka baqaninee wax ka siiya, hadiise aad meesha Riwaayad iyo inaad MD Hassan Sheikh Mohamud iyo RW Hamza Abdi Barre ku maaweelisaan aad rabtaan, howshiina wata oo maalinba Riwaayad cusub u soo allifa.

Waa Aragtideyda.

W; Q: Cabdulqaadir Dulyar

Hadalsame Media