”Waa inaad deg deg u joojisaan!” – Jarmanka oo xilli dambe ka warhelay arrin uu Shiinuhu muddo dalkaas uga faa’iidaysanayey

0

(Singapore) 04 Juun 2023 – Wasiirka Difaaca Jarmanka ee Boris Pistorius ayaa Sabtigii shalay ugu baaqay Shiinaha inay joojiyaan qoritaanka duuliyayaashii hore ee millateriga Jarmanka si ay ugu tababaraan duuliyeyaasha ciidamadooda.

“Waxaan si cad u sheegay inaan filayo in siyaasaddan si deg deg ah loo joojiyo,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Jarmanka ee Boris Pistorius oo saxaafadda la hadlay kaddib markii uu la kulmay dhiggiisa Shiinaha oo joogey shirka Shangri-La Dialogue ee Singapore, oo ah shirka ugu muhiimsan ee amniga Aasiya.

Wuxuu intaas ku daray in Wasiirka Gaashaandhigga Shiinuhu uusan inkirin dhaqanka ah in dalkiisa laga shaqaalaysiiyo duuliyayaashii hore ee millateriga Jarmanka, balse uu hoos u dhigay muhiimadda ay leedahay.

Majaladda Spiegel ee ka soo baxda dalka Jarmanka ayaa Jimcihii sheegtay in duuliyeyaashii hore ee Jarmanku ay muddo sanado ah tababarayeen duuliyeyaasha millateriga Shiinaha.

Shiinaha ayaa muddaba ka qaylisiinayey reer Galbeedka oo uu uga faa’iidaysto dulduleel kasta oo uu heli karo, iyagoo aad uga qayliya inuu koobiyeeyo tiknolojiyaddooda oo ilaa xad ka sarreeysa middiisa.

Germany's Minister of Defence, Boris Pistorius, speaks to the media on the sidelines of the 20th IISS Shangri-La Dialogue in Singapore

Hadalsame Media