”Kooxda ma iibinaysaan?” – Milkiilayaasha Man United oo shalay sameeyey arrin kale oo aan ka farxinaynin taageerayaasha kooxda (Daawo)

0

(London) 04 Juun 2023 – Milkiilaka Avram Glazer ayaa iska iska indha tiray dhammaan su’aalaha ku saabsanaa iibka Manchester United intii lagu jirey ciyaartii final-ka FA Cup ee Axaddii shalaytoole.

Glazer, oo 62 jir ah, oo ka mid ah milkiilayaasha aadka loo neceb yahay ama aan la jeclayn ee Ingiriiska, ayaa garoonka Wembley Stadium ku daawaday kulankii United ay 2-1 kaga badisay Manchester City final-ka FA Cup.

Yeelkeede, ciyaarta kaddib, Glazer waxaa u yimid weriyeyaasha Sky si ay su’aalo ku saabsan sheekada la wareegidda ee muddada dheer taagan wax uga waydiiyeen.

Waxaa la waydiiyey: ‘’Si buuxda ma u iibinaysaa Manchester United? Mase aqbali doontaa dalabka Jim Ratcliffe ama midka Qadariyiinta?

“Maxaad ula hadli la’dahay taageerayaasha? Miyayna taageerayaashu u qalmin inay ogaadaan waxa dhacaya ee dhanka iibka kooxda?

Ha yeeshee, wuxuu ag maray isagoo aan xitaa muujin inuu arkayey inuu qof la hadlayey.

Neville voiced his opinions about the ongoing takeover process on his social media accounts

Hadalsame Media