Waxay gashay dukaan si ay alaab uga xaddo balse waxaa bas beelay gaarigeedii oo ay 2 carruur ihi ku jireen (Daawo)

0

(Orlando, FLA) 03 Juun 2023 – Haweeney reer Florida ah ayaa iyadoo dukaan kuwa tafaariiqda ah xadaysa xilli ay labo caruur ah oo ay kaga tagtay gaari dhexdiis uu dab qabsaday, sida ay booliisku sheegeen.

Alicia Moore, 24-jir, oo deggan magaalada Orlando, waxaa lagu soo oogey dacwo dayacaad iyo gubid carruur ah, sida FOX Orlando uu sheegay.

26-kii Maajo, Moore waxay baabuurka dhigatay bannaanka dukaanka qaybta Dillard ee Oviedo Mall waxayna gudaha baabuurka kaga tagtay laba carruur ah “kuwaas oo aan iskood isu daryeeli karin”, sida ay mas’uuliyiintu yiraahdeen.

Kaddib waxa ay gashay dukaanka oo waxa ay bilowday inay dukaanka xaddo iyadoo uu nin wehlyo, sida ay booliisku sheegeen.

Muddo ku dhow hal saac kaddib, Moore ayaa ka baxday dukaanka waxayna la kulantay gaarigeedii oo holcay. Waxay tuurtay alaabtii ay soo xadday kahor inta aysan ka bixin dukaanka, sida warbixinta ku cad.

Nasiib wanaag, dad goobjoogayaal ah ayaa horteed arkay baabuurka oo gubanaya, waxayna badbaadiyeen carruurtii gudaha ku jirtey.

Mid ka mid ah ilmaha yar ayaa waxaa soo gaarey gubasho heerka koowaad ee wejiga iyo dhegaha ah. Maamulka Magaalada Orlando ayaan hubin waxa dhaliyey dabka.

Hadalsame Media