“Waxaan diraynaa Komaandooskeenna!” – NATO oo u qayladhaamisay Turkiga kaddib markii ay….

0

(Ankara) 03 Juun 2023 – Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa ku dhawaaqday goor dhow in waddankoodu uu u diri doono Kosovo guuto ka tirsan ciidamada Komaandooska kaddib codsi ka yimid Taliska Ciidamada Isku dhafka ah ee NATO.

Ankara ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay gacan ka gaysan doonaan sidii loo damin lahaa xiisadda ka taagan halkaasi, taasoo sii xoogaysatey tan iyo markii barasaabyada Albaaniyaanka si shaki ku jiro loogu doortay degaanka Serbiyiintu degaan ee gobolkaasi.

“Dalkeennu wuxuu si dhow ula socdaa tadawurka Balkan-ka, halkaas oo aan ku leenahay qiyam taariikheed iyo mid dhaqameed oo soo jireen ah,” ayay Wasaaraddu sheegtay Sabtidii.

Warku wuxuu intaa ku daray in Ankara ay qaadanayso “mowqif wax ku ool ah” oo ku wajahan “xallinta dhacdooyinkii u dambeeyey ee ka dhacay woqooyiga Kosovo, kuwaas oo dhaawacaya amniga iyo xasilloonida gobolka.”

Belgrade iyo Pristina ayaa labaduba la kulmay cadaadis caalami ah si ay u xalliyaan waxa ugu dambeeyay khilaafaadka u dhexeeya dowladda Kosovo ee qowmiyadda Albanian-ku ay maamulaan iyo qowmiyada Serbian-ka ee woqooyiga.

Rabshado ayaa gobolka ka dhacay usbuucan markii maamulka Kosovo, oo gacan ka helaya cutubyo booliis ah, ay isku dayeen in ay barasaabyo Albabaaniyiin ah geeyaan xafiisyo ka tirsan degmooyinka woqooyiga.

Barasaabada ayaa la doortay bishii Abriil codbixin ay usoo baxeen 3.5% oo keliya, kaddib markii ay Serbs-ku qaadaceen codbixinta sababtoo ah dalabaadkoodii ka madaxbannaanida ee Pristina ayaan lagaba hoos qaadin.

Askar badan oo NATO ah ayaa ku dhaawacmay rabshadihii ugu dambeeyey.

Hadalsame Media