Maxay tahay sababta ay dadka Carabtu ugu farxeen guusha Erdogan?

0

(Hadalsame) 02 Juun 2023 – Maxay dadka carabtu u gu farxeen guusha Erdogan? Waxaa qoray oo aan ka soo turjumay Maxamed Alkaayid

“Dadyowga carabtu doorashadii Turkiga wax ay ku la socdeen dareen kulul oo sugitaan iyo filasho ah. La ga soo bilaabo ololihii doorashada wareeggii hore ilaa u gu dambayn guusha Erdogaan la gu dhawaaqay wareeggii labaad, inta badan shucuubta carabtu wax ay aad u rajaynayeen in uu madaxnimada jeer labaad ku guulaysto. In kasta oo ay doorashadaasi qaddar saamayn ah innagu yeelanayso, gaar ahaan qaxootiga reer Suuriya ee Turkiga jooga, haddana saamayntaasi innagu ma weyna bulsho ahaan iyo dawlado ahaanba, markaa maxay ahayd sababta aynnu sidaas oo dhan u danaynnay? Maxaynnu ilaa heerkaa u gu faraxnay guusha Erdogan?

Shaki la’aan dareenka quusta iyo niyadjabka ah ee dadyowga carbeed tobannaanka sano ku hoos noolaayeen maamulladooda liita, ayaa qofka carbeed ku abuuray hilow iyo busayl uu u qabo karaamo, cisi iyo islaweyni. Waxaana dhab ah doorashooyinkeenna ka madhan hufnaanta iyo kalsoonida ayaa ta Turkiga innooga dhigay tusaale faan leh.

Dadkuna dabcigiisaba wax uu dadaal u gu jiraa sarraysiinta iyo gobaynta dadnimada, wax uuna weligiiba u halgamayaa xorriyadda, gaar ahaan marka uuna xor ahayn. Innaguna weligeenba wax aynnu la’ayn xornimo iyo karaamo, ilaa aynnu sanka la raacno neecaw kasta oo dimuqraadiyad ah dhanka ay ka soo dhacdaba, oo aynnu wax uun hufnaan dawladeed ah laabraacno meel ay ka jirtaba. Sababtaas baynnu isha u gu haynnay oo u caashaqnay turkida iyo waxa ay xaqiijiyeen, oo aynnu ku faraxnay guusha ninka adag ee Turkiga u soo celiyay ragannimadii awowyaasha, Islaamkana wax uun u ga soo nooleeyay cisigii uu lahaan jiray. Haa, ninkaa adag ee kolka uu hadlayo inta uu sida libaaxa kuu soo hor joogsado sanka taagaya, ee aan ahayn dulli adhaxda ka jaban. Dayib Erdogan kaa dadkiisa uu u debecsan yahay mar kale doorteen iyada oo colaad badani ka ga furan tahay gudo iyo debedba. Dawlado badan oo aan marnaba jeclayn in ay maqlaan isaga oo jeedinaya khudbaddii guusha ayaa cid walba u ga soo horreeyay u hambalyayntiisa.

Madaxnimada cusub ee Erdogan sidii aynnu xusnay saamayn la sheegi karo oo toos ah innagu yeelan mayso, haddana dabbaaldeggu wuu is qabsaday jidadka magaalooyinka carbeed iyo baraha bulshadaba, waana xaalad iyo dareen aynnu ku riyoonno oo innaga maqan, waayo carabtu wax ay u hilowsan yihiin xorriyad iyo caddaalad, oo qof walba naftiisu weligeed wax ay tebaysaa macaanka wax doorashada, wax uuna ku riyoodaa maalinta ay doonistiisu macne yeelan doonto eraygiisana la dhegaysan doono.

Qofka carbeed wax uu sugayaa maalinta uu ka kici doono kufidda xanuunka badan ee uu dhulka yaallo, madaxana kor u qaadi doono dullinnimo dheer ka dib. Maalinta uu arki doono hoggaamiyayaal dhab ah oo leh han iyo islaweyni ummadeed oo dadkooda u horseeda nolol faan leh, ee aan ahayn addoomo waxa cid kale u yeedhiso fuliya, dadkoodana u horseeda marba hoog iyo gunnimo cusub si ay kuraasta u ilaashadaan, oo ka la dhaxlaan ilaa qiyaamaha.

Intii aynnu la soconnay doorashada Turkiga, waxaa ina wada haleelay wareer iyo wax iswayddiin badan oo ah waxa uu ninkaasi sameeyay ee ku helay in ka badan 27 milyan oo cod? Muxuu ku qanciyay iyada oo la ogaa waxii ceeb iyo sumcad dil la gu hayay gudo iyo debedba? Sidee u gu guulaystay in uu mideeyo turkida ka la wada diinta iyo isirka duwan oo ay xaqooda dastuuriga ah ee codaynta wada gutaan? Wayddiimaha dhexdooda waxaa ka soo baxaysa warcelin ay dadka turkidu waayahooda ka arkeen. Turkiga maantu ma aha kii labaatan sano ka hor: tacliintu tii ma aha, daryeelka caafimaadku kii ma aha, kaabayaasha dhaqaaluhu kuwii ma aha, intaas oo dhan ka hor iyo ka dibna cisiga iyo islaweynida ay reer Turkiya maanta dareemayaan tii ma aha.

Halkii qofka turkiga ahi la daalaadhacayay nolol xumo, faqri iyo inta u gu hoosaysa nolol karaamo leh, taasina gayaysiin jirtay in uu qaxo oo dunida irsaaqad ka raadiyo, maanta wax uu arkayaa dalkiisii oo ka mid noqday hormuudka dhaqaalaha dunida, oo wax uu arkayaa warshadaynta, beeraha iyo dalxiiska oo sidii gantaalka samada caalamka u ganan. Muwaaddinku wax uu arkayaa dalkiisii oo dunida oo dhan loo ga imanayo maalgashiga, tacliinta iyo caafimaadka. Wax uu arkayaa madaxweynihiisii oo sida buurta u ga dhex muuqda shirarka dawladaha waaweyn. Markaa xaq buu u lee yahay in uu faano.

Mahadsanid Turkigow, oo mahadsanid Erdoganow! Yididiilada ayaad ku mintideen oo aad guulaysateen, guushiinnaas baad annagana noo gu noolayseen rejadii sakaraadka ahayd ee naftu ka sii baxaysay. Aadna u ogaada in ay idinku farxayso oo keliya cid leh han iyo islaweyni oo jecel dadkeeda, diinteeda iyo dalkeeda, ummadaha kalena la jecel khayrka iyo barwaaqada.

Cidda guushiinna ka xumaataa waa cadawga xaqa iyo caddaaladda, waxaana idinku farxaya cid kasta oo u hilowsan cisi iyo sharaf. Waxaa guushiinna nacaya dameeraha shisheeyaha u hoggaansan ee la is ka maamusho. Mahadsanid Tirkigow iyo dadkaaguba.”

W; T: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media