Sweden oo qaadday tillaabo qancin ah xilli uu Turkigu u gooyey shir muhim ah oo ay NATO yeelanayso

0

(Hadalsame) 01 Juun 2023 – Baarlamaanka Sweden ayaa horaantii bishii dhamaatay ee Maajo wuxuuna meel mariyey sharci dhaqangelaya usbuucan. Muhiimadda ugu waynina waa qancinta Turkiga, wuxuuna dembi ka dhigayaa xubin ka noqoshada Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK), oo Ankara ay u aragto koox argagixiso, iyo inay sharci-darro tahay in hadda kaddib dadka Iswidishka ihi ay ururka siiyaan kaalmoa dhaqaale ama saad.

Yeelkeede, Wasiir Dibadeedka Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaan ka qaybgeli doonin shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee NATO ee ka dhacaya Oslo toddobaadkan, Wasiirka Arrimaha Dibedda Sweden, Tobias Billstrom, ayaa shalay sidaa sheegay.

Maqnaanshaha Cavusoglu ayaa waxay la micno tahay inaan horumar deg deg ah laga samayn doonin dalabka Sweden ee xubinnimada NATO, inkastoo Stockholm ay ku adkaysanayso inay hadda diyaar tahay.

Billstrom ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters inuu rajaynayey inuu Cavusoglu kula kulmo caasimadda Norway, balse ay si kastaba labadooduba wada hadli doonaan waqti dambe, taas oo qayb ka ahayd heshiis ay sannadkii hore ku kala saxiixdeen magaalada Madrid.

Heshiiskan, Billstrom wuxuu ka yiri, “inuu aad uga muhiimsan yahay in laba wasiir ay wada fadhiistaan oo ay bun isla cabaan.”

Sweden, Finland iyo Turkiga ayaa sanadkii hore ku heshiiyey in labada wadan ee Woqooyiga Yurub ay cunaqabataynta hubka ka qaadaan Turkiga, islamarkaana ay u gacan geliyaan kooxaha Kurdiyiinta iyo kooxda Gulenist ee lagu eedeeyay inay argagixiso yihiin, islamarkaana ay tillaabo adag ka qaadaan dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan ee PKK, si Ankara ay taakada uga qaaddo inay Sweden ku biirto NATO.

Hadalsame Media