MW Biden oo si xun u kufay & Aqalka Cad oo sababta ka hadlay (Daawo)

0

(Hadalsame) 01 Juun 2023 – Madaxwayne Joe Biden ayaa khamiistii maanta si lama filaan ah u dhacay xafladii furitaanka ee Akademiyaha Ciidanka Cirka ee Maraykanka.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa isla galabta sheegay in Madaxwaynuhu uu jiiray jawaan ciid ah, islamarkaana uusan wax dhaawac ah kasoo gaarin dhicidda.

Biden wuxuu khudbad furitaan ka jeediyry Air Force Academy ama Akademiyaha Ciidamada Cirka subaxnimadii hore.

“Wuu fiican yahay, waxaa uu jiiray jawaan ciid ah oo saaran masraxa isagoo dadka gacan qaadaya.” Ayuu yiri Agaasimaha Wafaafinta Aqalka Cad, Ben LaBolt, oo bartiisa Twitter-ka sidaa kusoo qoray.

Hadalsame Media