Kooxda Man City oo axsaan wayn u samaynaysa taageerayaasheeda magaalada Manchester & Hal caqabad oo haysata

0

(Manchester) 01 Juun 2023 – Manchester City ayaa qarka u saaran inay baahiso final-ka Champions League si ay ugu maamuusto taageerayaasha aan awoodin in ay gaaraan Istanbul.

Kooxda Pep Guardiola’ ayaa isha ku haysa inay taariikh samayso labada kulan ee dhamaadka ah ee soo socda, iyadoo finalka FA Cup-ka ay Sabtida la ciyaari doonta Manchester United kahor inta ayna todobaad kaddib wajihin Inter dhanka Yurub.

Kooxda Man City ayaa looga qoondeeyay kaliya 20,000 oo tigidh garoonka Olombikada ee Ataturk, iyadoo kooxdu ay u dhaqaaqday inay ciyaarta taageerayaashu ku daawadaan bartamaha magaalada Manchester.

Meesha oo qaadda 6,000, waa Depot Mayfield waana goobta la doortay in shaashadda wayn la dhigo, maadaama uu Etihad Stadium uu marti gelinayo R&B isla toddobaad-dhamaad habeenkaas final-ka.

6,000 oo tigidh ayaa la siin doona taageerayaasha, martida iyo shaqaalaha waxaana la filayaa in kooxda haysata horyaalka Premier League ay ku dhawaaqdo faahfaahinta isbuucan.

Hadalsame Media