Qaab xilalka loo helo DF Somalia oo meesha ka saaraya dhadhanka QARANNIMADA (Arag yaabkan)

0

(Hadalsame) 31 Maajo 2023 – Dhibkaas ayuu u maray in uu shahaado helo. Kadib jaamacaddii ayuu afar sano oo nafhurnimo ah dhiganayay. Magaalada ayuu ku wareegay, waxaana la dhahay waa in aad la imaataa shahaado Master ah.

Wuxuu dhib badan u maray shahaadadii labaad ee jaamacadda. Wuxuu doontay shaqo dowlad. Waxaa la dhahay waad u qalantaa booska, balse marka la fiiriyo xeerka 4.5 qabiilkiinnu booskaan ma qaadan karo.

Ugu dambeyn waxaa damiintay kaabba-qabiilkiisa oo ah oday koofi saliid ah oo aanan waxba soo baranin.

Markii uu xafiiskii tegay wuxuu xusuustay dhibka uu soo maray. Wuxuu kaloo ogyahay in uu meesha u joogo qabiilkiisa. Hadda waxaa albaabka u taagan shacab aan aniga ka mid ahay oo ay dan ka soo gashay xafiiskiisa.

Waxaa safka na gu la jira dad badan oo uu horkacayo kaabba-qabiilkii isaga shaqada u soo helay. Waxaan rejo ka qabnaa in dadkaas beeshiisa ah iyo annaga uu noogu adeego Soomaalinnimo!

Qac.

W; Q: Cabdirisaaq Jidhi

Hadalsame Media