”Waxaa meesha noo joogey askar ”Abuu Tiyaatar ah” – Madaxtooyada Uganda oo furka ku xoortay ciidankii lagu weeraray Buulo-mareer &Tillaabo ay qaadayso

0

(Kampala) 28 Maajo 2023 – Madaxwaynaha Dowladda Uganda, Yoweri Museveni, ayaa markii ugu horreeysey si caro leh uga hadlay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay ay kooxda Al-Shabaabku ku qaadeen xero ka tirsan kuwa loo yaqaan Furun-horaadka oo ku taalla magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay khasaare culusi kasoo gaartey Ciidanka ATMIS.

War kasoo baxay Madaxtooyada, Yoweri Museveni, ayaa sheegaya in weerarkaasi ay soo qaadeen ilaa 800 oo xubnood, waxaana warkan lagu caddeyey inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee magaalada Buulo-Mareer, kuwaasoo haatan si KMG ah ugu wareegey saldhig kale oo u jira 9 km.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Ciidamada Uganda ee halkaa joogey ay haysteen hub fiican sida kuwa lidka diyaaradaha, taangiyo laba ah iyo xitaa Katyusha oo ah gantaal ride fudud, balse wuxuu aad u dhaliilay bandhigga ciidamadooda oo ay sheegeen inay baqeen.

“Qaar ka mid ah askartii halkaas sugnayd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayey, argagax ayayna muujiyeen, taas oo keentay inay Al-Shabaabku ka faa’iidaystaan,” ayaa lagu sheegay qoraalka Madaxwaynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

”Waa dembi in halkaa la geeyo askar ”abuu Tiyaatar ah” kuwaasoo aan ama ku habboonayn ama khibraddeeda lahayn oo aan u diyaarsanayn howlgalkan.” ayuu raaciyey qoraalka oo lagu sheegay canaan kulul oo ah in “Howlgallada Soomaaliya iyo masraxada kale ay yihiin howlgallo dagaal ee aanay ahayb howlo daryeel oo aad ka heli karto gunnooyinka QM”.

Qoraalkani ma shaacin khasaaraha rasmiga ee ciidamadiisa kasoo gaarey weerarkan oo qaraxyo ku bilowday, kaddibna uu xigey dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, balse waxaa la sheegay in xerada la dardaray.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in tirada rasmiga ah ee laga diley Ciidanka Uganda ay u dhexeeyso 50 illaa 100, waloow ay Shabaabku sheegteen inay laayeen in ka badan 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS.

Waxaa qoraalka qaybtiisa dambe lagu sheegay gooddin ku saabsan in Shabaabku uu eedi doono weerarkan gaadmada ah, iyadoo la is waydiinayo waxa ka khaldan sirdoonka ciidanka la weeraray.

Hadalsame Media